berri
(m.l)

ld birri.

berri
(m.dh.fk)

1. ld berrito. Maalinta maanta iyo saaddambe u dhexeysa. 2. B. dambe: maalinta b. xigta, saaddambe.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh berri

saabo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
Cudur, gaajo, roob iwm berrin wada gaarid. ld saabso.

saaddambe [Falkaab | Adverb]
Maalinta berri iyo saakuun u dhexeysa.

arkaniida [m.l]
(baay.) Dir ka tirsan artaraboodhaha berriga ku nool kana kooban ilaa 5.000 oo sinji oo ay ka mid yihiin caarada, dabaqallooca, shilinta iyo aboorka. Jidhka arkaniiduhu wuxuu u qaybsamaa qayb hore oo loo yaqaanno madax saabley iyo qayb dambe oo loo yaqaan ubuc.

asiidha yuurig [m.dh]
(baay.) Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun.

badyaro [m.dh] (-ooyin, m.l)
Bad yar oo badweynta ka so dillaacday oo berri fadhida; gacan.

berribiyood [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-yo, m.dh)
Dir ka mid ah lafdhabarleyda sida raha. Berribiyoodka waxa lagu tiriyaa inay yihiin xayawaankii ugu horreeyey ee lafdhabarleyda ahaa ee dhulka ku noolaa, qaar badan oo astaamahooda ka mid ahina waxay muujinayaan inay qabatimeen nolosha berriga.

berridambe [m.dh]
Maalinta markaas la joogo ayaanteeda saddexaad oo soo socota; saaddambe.

berrin [m.l] (-nno, m.dh)
Meel bannaan, dhir ku hareereysan oo degaan ku habboon, ruun.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg