bogid
(m.f.dh)

eeg bog²..

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bogid

laabraac [m.l]
U bogid wax loo bogo oo niyadda laga jeclaysto.

qaayib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax la bartay ka caado yeelasho. 2. Wax si aad ah ugu bogid.

bogaad [m.l]
U bogid; qiimayn.

dhac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
1. (f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid. 2. (f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iwm wax ku garaacid. 3. (f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid. Tus. “Dhurwaa baa xeradii u dhacay”. 4. (f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid. 5. (f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid. 6. (f.mg) Qorrax, dayax iwm godgelid. 7. (f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho. 8. (f.mg) Dabayl xoog u socosho. 9. (f.mg) Xabbad iwm qarxasho. 10. (f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid. 11. (f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid. 12. (f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid. 13. (f.mg) Ku dh.: dhar iwm lebbisasho. 14. U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid. 15. (f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo).

jeel [m.l]
1. Wixii dhab loo jecelyahay, araggooda ama maqalkooda ama dhadhankooda, iwm, u bogidda, jamaadda iyo macaanka laga helo. 2. Dareen rabitaan oo ku abuurma xoolaha marka ay waayaan dhanaan. 3. (-lal, m.dh) Meesha dadka dembiga gala lagu xiro; xabsi.

macaanso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax dhadhankiisa jeclaysasho. 2. Sheeko, salaax, iwm u bogid.

qurux-u-bogid [m.dh]
1. Waxay la xiriirtaa qiimeyn qurux iyo fan qurux u bogid. 2. (fals.) Qeyb ka mid ah barashada falasafada ee ku saabsan quruxda.

riyaaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
U r.: wax dhacay ama la sameeyey aad ugu bogid.

xoodso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Nafley salaaxasho. 2. (f.mg) Nafley salaax u bogid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg