bolol
(m.l)

1. B. ah: qori iwm marka ay duug ama bahal awgiis xorshosh noqdaan. 2. B. ah: miro daawo iwm oo faaday ama xorshashay. 3. ld bololid.

bolol
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-olay, -oshay)

1. Qori iwm duugnimo ama bahal galay awgeed xorshashid. 2. Miro daawo iwm faadid ama xorshoshid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bolol

bololid [m.f.dh]
eeg bolol². ld bolol¹ (3).

boobe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
1. Nooc banaatiiqda ka mid ah oo si daranddoori ah u dhaca. 2. Cayayaan yaryar oo gala iniinaha qaraha iyo sisinta oo bololiya.

daani [m.l]
1. (m.u) Cayayaan aad u yaryar, badarka gala oo bolol ka dhiga; suus. 2. D. ah: beydari aad toogta u yaqaan.

lafbolol [m.l] (-fo ..., m.l)
(daaw.) Baaba'a sooha lafta oo keena in lafuhu khafiif noqdan oo ay jabi ogyihiin.

malax-dareer [m.dh]
(daaw.) Cudur ku dhaca soohyada haya ilkaha, sida: cirridka iyo lafta. Waxaa keena baktiiriyada huurada ilkaha; malax ayaa cirridka fariisata ilkuhuna salka ayay ka bololaan. Ereyga “Pyorrhoea” wuxu noqon karaa malax meel jirka ka mid ah ka dareerta markaas ereyga “Cirrid” ayaa laga reebaya waxay noqoneysaa malax-dareer af soomaaliga.

suus [m.l]
(daaw.) Bololid iyo jajabid ilko ama lafo.

xorshosh [m.l]
Qori ama wax kale oo korka sare ka fayow, gudahase ka mootan oo bolol ka ah, oo kolkii la taabto burburaya, tilmaan-tood. ld xorshosho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg