dheerayn
(m.f.dh)

eeg dheeree. ld dheerays.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dheerayn

ebinefiriin [m.l] (baay.)
Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.

gaabshow [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Gaabshow ah: nafley aayar u socota oo aan dheerayn.

gaalib [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Faras orod aan dheerayn samayn.

raaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax cumrigooda dheerayn. 2. Wax daahin.

yohoon [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Y. ah: gaadiidka badda oo shiraaca leh, kolkay u socdaan docda urtu u socoto oo ay dheerayna hayaan.

cabbaar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Waqti aan badnayn ama aan fogayn. 2. Masaafo aan dheerayn.

conqor [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-ro, m.l)
Biyaqabad yar, aan hoos u dheerayn oo dhadhaab dusheeda ku yaal.

dhaqdhaqso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Degdegid; ku dheerayn.

dheerays [m.l]
ld dheerayn.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg