dhicid
(m.f.dh)

eeg dhac². ld dhicis², dhicitaan.

dhicid
(m.dh)

Xero-ka-bixidda uu neef geel ahi xerada ka baxo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhicid

caal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Lo' ama ido cudur caloosha ka barariya ku dhicid.

daabo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-btay, -batay)
1. (f.g) Qalab daab u samaysasho. 2. (f.mg) Ku dhicid daab (dhasha xoolaha). Tus. “Waxartu waa daabatay”.

daaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Daaf ku dhicid.

jaamee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-meeyay, -maysay)
1. (f.g) Kab cid la dhicid. 2. (f.mg) Iyadoo cagaha iyo sacabbada laga shanqarinayo ciyaar dheelid. 3. (f.g) Jaamo ka dhigid: cad cad ka dhigid.

jab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iwm guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iwm dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid.

laamee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-meeyay, -maysay)
1. Geed laamo yeelasho. 2. Ilmo laan yar la dhicid.

nabar-kul [m.l] (-ro-kulul, m.dh)
(daaw.) Awood darro iyo joog ka dhicid ay keeneen hoos udhac cadaadiska dhiigga iyo tirada dhiiggaba. Waxaana u sabab ah biyo badan iyo cusbooyin oo jirka ka baxa kul aad u badan oo dheeraada ama aan loo baran awgiis.

nacalad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Caro Eebbe cid caasidey ku dhicid. 2. Cid cay iyo eedayn u jeedin. ld lacanad², lacnad², nacallad², nacdal².

qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.

qaalalyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Qaalalyo ku dhicid (xoolo). ld qaalalyow.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg