dooh
(Erey Dareen | Exclamation)

Erey geela soconaya loogu dhawaaqo kolkii la doonayo inuu istaago oo joogsado.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dooh

yeeg-bidooh [m.l] (-hyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena laba dhibcood ku leh. ld dooh-biyeeg.

banji-bidooh [m.l] (-hyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu cayaaro dhinac labo dhibcood ku leh, dhinaca kalena ku leh shan dhibcood. ld dooh-bibanji.

biish-bidooh [m.l] (-hyo, m.dh)
ld dooh-bibanji.

caddaan-bidooh [m.l] (-hyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talagalay dhinac ka cad, dhinacna laba dhibcood ku leh. ld dooh-bicaddaan.

doohad [m.dh]
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talagalay labadiisa dhinac min labo dhibcood ku leh.

dooh-bibanji [m.l]
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac laba dhibcood ku leh, dhinacna shan. ld banji-bidooh, biish-bidooh, dooh-bibbiish.

dooh-bibiish [m.l]
ld dooh-bibanji.

dooh-bicaddaan [m.l]
ld caddaan-bidooh.

dooh-bijoohaar [m.l]
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro, dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena afar. ld joohaar-bidooh.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg