farcan
(m.l)

1. Aabbayaalkii laga soo unkamay. 2. Badasho; tarmid.

farcan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-amay, -antay; -ami)

1. Wax tarmay noqosho. 2. Ka f.: wax meel ka soo unkamay noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh farcan

laan [m.dh] (-aamo/-aano, m.l)
1. Faraca ka soo baxa jirridda geedka. 2. Qayb ka soo farcanta waax hay'adeed. 3. Qori af buuran oo badarka la karinayo lagu waalaqo.

raay [m.dh] (-yo, m.l)
1. Xiniin. 2. Dad wada dhalasho ka dhaxayso laan ka farcantay; jilib.

abuullan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Awoowayaal hore oo cidi ka soo farcantay.

burobahalaad [m.dh] (-dyo, m.l)
(daaw.) Buro dhex galeysa oo baabi'inaysa soohyada ama xubinta ay ka farcanto islamarkaasna ku faafi karta meelo kale oo jirka ka mid ah, ayadoo cadcad ka mid ah raacayaan dhiigga ama liinfada. Haddii aan la daweyn wakhti ku habboon waxay keentaa caafimaadka oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaada iyo dhimasho. ld burabbahalaad.

farcamid [m.f.dh]
eeg farcan².

insi [m.l]
Nafleyda inta nabi Aadan ka soo farcanta.

isir [m.l] (-ro, m.dh)
1. Asalkii hore ee nafleydu ka soo farcantay. 2. Taranta laba tibxood iyo wixii ka badan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg