feero
(m.dh) (-ooyin, m.l)Qalab bir ah, gacan la qabto leh, oo dharka lagu kaawiyadeeyo; kaawiyad.
feero
(m.l.w)eeg feer¹; qaaxo.
feero
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-rtay, -ratay)1. Timo shanlo ku habaysasho. 2. Caw, mayrax iwm jeexjeexasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh feero ↴
qaaxo [m.dh]
1. Dhiska ka samaysan feeraha iyo lafdhabarta iyo waxa ku guda jira (oogada nafleyda); saab, saabley. 2. Cudur xun oo lays qaadsiiyo oo ku dhaca sida badan sambabada; feero sanbab.
urug [m.dh]
Cudur dadka, xoolaha iyo shimbiraha ku dhaca oo sambabada waxyeeleeya oo xummad badan iyo qufac leh; qaaxo; feero.
wab [m.l]
Saabley; feero; uur; wadne.
dhinac [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Doc; gees. 2. Hilib feero ah. 3. La dh. ah: cid, cid kale taageersan.
feerasho [m.f.dh]
eeg feero. ld feerad.
firin [m.l] (-nno, m.dh)
Qori yar oo dhuuban oo ilig ama ka badan leh, badi ahaanna xardhan oo timaha lagu feero. ld fire.
mayraq [m.l] (-qyo, m.dh)
Saddexda feerood ee sararta u hoosaysa iyo hilibkooda oo iswata (geel).