gariiri
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Gariir ku ridi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gariiri ↴
balbal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
Cabsi la gariirid.
burunjiyee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Cabsi, gabow, qandho iwm la gariirid.
dardho [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Dhaxan aad u badan la gariirid (nafley).
dibaaxo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-xay, -xday)
Meel jirka ka mid ah gariirid. ld dubaaxo.
gariir [m.l]
1. Dhaxan ama jirro oo jirku la ruxdo. 2. ld gallayr. 3. ld gariiri.
gariirid [m.f.dh]
eeg gariir². ld gariir¹ (3.
gariirin [m.f.dh]
eeg gariir.
gariiriso [m.dh]
Qandho, xummad iyo gariir badan oo duumo keent.
jarcee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-ceeyay, -caysay)
1. (f.g) Xoolo cadho qaba jarco gelin. 2. (f.g) Aqal laama ku dedid. 3. (f.mg) Qabow, baqdin ama xummad la gariirid.