hareeri
(m.l)(hareeri, m.dh) Geed aan qodax lahayn, dhirta waaweyn ka mid ah oo toos u baxa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hareeri ↴
kaalandar [m.l] (-ooyin, m.l)
(c.fal.) Nidaam loo qaybiyo waqtiga aminno go'an oo halbeegyada dabiiciga ahi yihiin maalinta (ku wareegga dhulka ee dhidib-dhexaadkiisa) iyo sannadka (ku wareegga dayaxa ee dhulka) iyo toddobaadku waa qaybo lagu heshiiyay. Wareegga dhulka ee qorraxdu wuxuu qaataa waqti dhan 365 maalmood, shan saacadood, 48 daqii-qadood iyo 46 ilbiriqsi. Samaynta kaa-landarka waxaa lagala kulmaa dhibaa-tooyin, haddii wareegga dayaxa ee dhulka hareerihiisa oo qaato halbeeg dabiici ah, waayo, wareeg noq-noqoshada dayaxa ee 12 jeer ahi wuxuu u dhigmaa 364 maalmood, ka qorraxda laga isaabiyaana waa 365 maalmood.
dhareerid [m.f.dh]
eeg dhareer². ld dhareer¹ (2).
dhoohan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-hanaa, hanayd/-hnaa, -hnayd)
Qof had iyo jeer aan feejignayn oo waxa hareerihiisa ka dhacaya aan la socon.
horujeed [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-dyo, m.dh)
1. Qof wax hareerihiisa ka socda aan la socon. 2. Arday quraankii weli wada oo aan naqtiin gaarin. 3. Qof daacadnimo badan.
jiin [m.l] (-iiman, m.l)
1. Ag; coon; qar; af. 2. (-iiman, m.l) Webiga hareerihiisa.
qode [m.l]
1. Cirboor; cirwareen; leexo. 2. Nooc qaadka hareeriga ka mid ah oo gaagaaban aadna u jilicsan.
reydab [m.l]
Geed hareeriga u eg, qodax lahayn, ubax cad oo udgoon leh, oo laga goosto udbaha aqallada.
shareerid [m.f.dh]
eeg shareer³.