hawd
(m.l) (-dad, m.l)

1. Dhul dhir dhaadheer oo cuur ah leh, buuro lahayn oo aan biyo badnayn. 2. Xarigxarig.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hawd

ay [m.dh]
1. Meel geedo badan leh; hawd. 2. Meel cidla ah oo aan la degganayn.

dhawdhaw [m.l]
Gargaraacidda; dubbaynta.

dhawdhawle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Shimbir dhoor iyo af dhuuban oo xooggan leh oo hoygeeda geedaha ka samaysata. ld dhawdhawley.

dhawdhawley [m.dh]
ld dhawdhawle.

duur [m.l]
1. Meel geedo badan oo jiq ah leh, oo aan cidi degganayn. 2. D.gal: duudgaloobidda (qof). 3. (-rar, m.l) Nooc cawska ka mid ah oo aad u dhaadheer, oo hawdka ka baxa xooluhuna cunaan.

hirig [m.dh]
Xidh, hawd, juq, jiq iwm oo marka la dhex maro, dadka iyo xoolaha maqaarkooda dhibaato soo gaarsiiya.

hundo [m.dh]
Dhul carrasan ah, hawd ahayn, leh bannaanno, kuro, togag, biyaqabatinno, iwm.

jawi [m.dh]
1. Nabar aan biskoon; joqofey. 2. Dhul hawd ah oo oomane ah.

jiq [m.dh]
Meel geedo badan oo aan la dhex mari karin; hawd.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg