horjeed
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

Ka h.: wax, wax kale hortooda jooga ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh horjeed

nabad-jeceyl [m.l]
(fals.) Dhaqdhaqaaq ka soo horjeeda dagaallada oo loo adeegsado xallinta mashaakillada, uguna baaqa adduunweynaha nabad ku wada noolaansho.

waalo [m.dh]
Cayaar cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, raggu cayaaro oo labo saf oo iska soo horjeeda, tira isla egna ah, iyadoo jilbajabsan gacmahana lagu cayaaro hees iyo jiibna leh; hellem.

xaglagooye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Isku xirid geeso iska horjeeda. Tusaale ahaan, xaglagooyaha labajibbaarane waxa uu laba-gibbaranuhu u qaybiyaa laba saddexagal oo qumman. Marka laga hadlayo shaxan adke ah badanaaba salxaale, sallax xaglagooye waa kan dhexmara laba geftin oo aan deris ahayn.

afarrey [m.l] (-yo, m.l)
1. Tix maanso ah oo dhowr beyd ka kooban. 2. Afar hog oo labada iska soo horjeedda ay yaallaan dhagxaan isku nooc ah, hog shanaad oo maran ama saalo taalna u dhexeeya (shax).

baatad [m.dh]
Marka labada dhan ee iska soo horjeeda ay dhibco isla 'eg qabtaan (cayaar turub); doroo. ld baaddad.

bacaad-qaab-bileed [m.l]
(juqr.) Carro meel ku ururtay oo leh qaabka bisha taas oo samaysanta marka jihada dabayshu si yar isubeddesho. Carradaasi dhanka dabaysha xigta tuur ayay ku leedahay janjeerkeedu sahlanyahay; dhanka dabaysha ka horjeeddana golxo ayey leedahay, janjeerkeeduna ma sahlana; geesuhuna hoos bay tilmaamayaan. Carradaasi way sii dhaqaaqdaa marka ay carro kale hesho. Kelican-keli iyo kooxkoox way u dhacdaa.

birisam [m.l] (-myo, m.dh)
1. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah iskuna sargo'an iyo dhammaan wejiyada kale ay yihiin barbarooleyaal. 2. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah oo iska soo horjeeda laguna magacaabo salalka ahna geesooleyaal isku sargo'an. Dhammaan wejiyada kale waa barbarro ah oo u dhexeeya geesaha talantaaliga ah ee salalka.

burin [m.dh]
1. (fals.) Ficil ama fikrad ka soo horjedda jiritaan shay. 2. (fals.) Nooc ka mid af diidmada, ama afkaar dhamaanteed ka soo horjeedda, wixii jiray dhamaan.

caddallool [m.l]
Ciyaar carruureed ilmuhu qoray la tuurayo ay ku ciyaaraan habeenkii iyaga oo labo labo koox isagasoo horjeeda.

dabaakh [m.l]
Tartamidda cayaar turub oo labada dhinac oo iska soo horjeedaa ay u tartamaan foorooyin ay kala qabaan, inay qolo kaliya ku wareegto. ld dabaaq¹, dibaakh¹.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg