Koor

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-rar, m.l)

Dhar adag oo culus oo raggu qaarka sare ka qaataan oo dhaxanta laga geshado, laguna xarragoodo; jubbad. ld koodh.

Koor

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-ro, m.l)

Dawan geed laga qorey oo xoolaha qoorta loogu xiro.

Koor

Qaabnaxa: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)

1. Ciyaar turub (shanboollo), nin inuu wada qabto turubka oo dhan ballan qaadid. 2. Koorabixis adeegsasho.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga koor

faag | daabdulle | jaakad | yucub | askoorbik-asiidh | bakoorad | bakooro | baridhawr | bayd | beersaaro |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg