marad
(m.l)ld marasho².
Kamarad*
Aalad wax sawirta. Kaamiro.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh marad ↴
ibamarad [m.l]
ld ibamarasho. ibamarasho
nabas [m.dh]
1. Meesha u dhexeysa jidhka iyo marada dumarku garraarsadaan ee ku abbaaran caloosha. 2. Timaha ka baxa gumaarka dadka; bisqan. ld namas.
taarash [m.l]
1. Qof meel loo diro oo dhanbaaal ama farriin sida; dhanbaalwade. 2. ld tarash. Daliig dharka la huwado ama la guntado dacalkiisa lagu qurxiyo oo marada iyo faraqa u dhexaysa; xiddo.
dabaggur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Qof dumar ah oo hurdaysa si tartiib ah marada uga qaadid si looga macsiyaysto. 2. Cad yar oo maro ah oo surwaal iwm gadaal looga kabo meel faddhacday.
gunti [m.l]
1. Marada raggu hoos ka qaato labadeeda duub oo yaryar oo ay ku leedahay la simaadka labada fiiq oo miskaha. 2. Hab go'yaasha dharka raggu u xirto.
hagoog [m.dh] (-go, m.l)
1. Maro qaarka sare ee dadka oo aan indhuhu ku jirin lagu daboolo. 2. Sida marada hagoogta ah loo xirto. 3. Gambada haweenku madaxa saartaan. 4. Koofiyadda inteeda wejiga hareysa.
hullaab [m.dh]
1. Qaabka marada qaarka sare looga huwado. 2. Marada qaarka sare laga qaato inteeda madaxa lagu dedo. 3. ld hullaabid.
kullaabi [m.dh] (-iyo, m.l)
1. Xiddo weyn oo ballaaran. 2. Marada xiddadaas leh lafteeda.
makhmarad [m.dh] (-do, m.l)
Weel khamrada laga gato laguna cabbo.