qori
(m.l) (-ryo, m.dh)

1. Geedaha intooda dhexe oo adag oo qolofta iyo mayraxda ka hoosaysa. 2. Laan jab ah oo qallalan. 3. Alwaax; loox. 4. Buntukh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qori

aadaminnimo [m.dh]
1. (fals.) Isku taxluujin ku xiran danaha aadamiga, anshaxiisa iyo barashadiisa. 2. (fals.) Dhaqanka qorista (qarnigii 14aad ilaa iyo kii 16aad ee ku saleysan barashada Giriigga iyo Roomaaniyiintii hore).

daab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.

aameel [m.l] (-llo, m.dh)
1. Weel qori ka samaysan oo aan dabool lahayn oo lo'da iyo geela lagu maalo; haruub; doobi. 2. Wixii waxay arkaan iska raacaan. haruub, doobi

xaadso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Ul, qori iwm sulub ka dhigasho.

laabbis [m.l] (-syo, m.dh)
Qalin qori ah oo dhexda dhuxul madow uga jirto; qalin rasaas. ld laabis. laabis

jaahil [m.l] (-liin/-llo, m.dh)
1. Qof aan wax akhrin, waxna qorin. 2. kas-gaab kas-gaab

kaal [m.dh] (-lo, m.l)
1. Fandhaal weyn oo bir ama qori ka samaysan. 2. Dhulmadda labadeeda qalbac midkood. 3. Xoolo la siiyo qof guursaday.

laan [m.dh] (-aamo/-aano, m.l)
1. Faraca ka soo baxa jirridda geedka. 2. Qayb ka soo farcanta waax hay'adeed. 3. Qori af buuran oo badarka la karinayo lagu waalaqo.

laaxin [m.l]
Hadal siduu u dhawaaqi lahaa aan loo qorin ama loo akhrin; gef; qalad.

naastro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qalab hadalka iwm ku duuba cajaladaha. 2. Silsilad xabbadaha qorigu ku jiraan oo boobayaasha culus la geliyo. 3. Mullaax maro ah oo khad leh loo isticmaalo makiinadaha qoraalka.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg