tuugo
(m.dh)

1. Wax xadidda; tuugnimo; xatooyo. 2. Qof dheddig ah oo keli ah wax xadda. 3. Koox wax xaddo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tuugo

burcad [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Koox tuugo ah, hubeysan oo dadka laaya, dhacana.

cantuugo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Cabitaan ama cunto hal mar afka buuxisa.

dharaarmaal [m.l]
1. Maalidda xoolaha maalin weyn la maalo. 2. D. ah: qof si tuugo ah xoolaha maalintii u maala. 3. ld dharaarmaalid.

faraqaad [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Dagaal lays farasaaro. 2. Tuugo aan weynayn. 3. Qof baara faraha dadka dembiyada lagu soo eedeeyo. 4. ld faraqaadid.

faraxumo [m.dh]
1. Tuugo iyo wax qaadqaad. 2. ld faraxumeyn.

mulbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax tuugo ku dhammayn.

mulbiso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Wax dhammaysasho. 2. Wax tuugo ku dhammaysasho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg