ari
(m.l)Nooc ka mid ah meesiyada la dhaqdo, ku dhala shan bilood, had iyo jeer la nool xaaska oo ka kooban riyo iyo ido. ld eri¹ (1).
liin-beydarin*
Liin Beydariin (Af Ingiriis : Citrus unshiu, sidoo kale: Naartjie) waa nooc ka mid ah liinta taasi oon lahayn wax siidh ah ama lafo ah. Liin beydariintu waxay kaga duwan tahay liin macaanta way ka yar tahay mar ahaan, sidoo kale qolofta ama dahaarka sare ee liin beydariintu waa mid si fudud looga qaadi karo marka la rabo in la cuno, sidoo kale waxay leedahay dhanaan ka badan liin macaanta, taasi ka yar liin dhanaanta.
Si la mid ah liin macaanta ayaa liin beydariintu waxay leedahay midab oranji mararka qaar casaan xiga mararka qaarna aad huruud u ah. Sidoo kale liin beydariintu waxay leedahay hilib aad u dhadhan macaan oo jilicsan. Marka bahda liinta laga hadlayo waxaa aad iskugu dhow liin macaanta iyo liin beydariinta sababtoo ah waxay leeyihiin midab aad iskugu eg, dhadhan aan kala fogayn iyo bixitaanka geedaha oo aad iskugu qaab dhow.
Si kastaba ha ahaatee, geedka liin beydariintu wuxuu ka soo jeedaa wadanka Shiinaha asal ahaan, halkaasi oo lagu beeran jiray mudo dhowr kun oo sano ah. Liin beydariintu waxay dunida inteeda kale soo gaadhay qarnigii 18aad wixii ka dambeeyay, goortaasi oo gumeystihii reer Yurub ee qabsaday wadanada koonfurbari Aasiya soo gaadhsiiyay Afrika, Yurub iyo labada Ameeriko.
In kastoo maanta laga beero wadamo badan oo caalamka ah, wadanka Shiinaha ayaa lambar kow ah soo saarida iyo dhoofinta liin beydariinta caalamka.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Karinlle*
Ninka naagta furay ee aanan wali guursan Eray kasoo hor jeeda Garoob
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Heydaarin*
Caay ama aflagaado
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
cafaariigsi*
diyaar garow shey
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ari ↴
saabbuunmaris [m.l]
Saabbuunta noocyada dharka lagu dhaqo.
waabari [m.l]
Kolka waagu dillaaco; arooryo; oog. ld waabberi. waabberi, arooryo, oog
waabariisasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waabariiso. ld waabberiiso. waabberiiso, waabariiso
waabariisii [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iiyay, -iisay)
U w.: inta waagu ka dillaacayo cid ama wax u kaadin. ld waabberiisii. waabberiisii
waabariisiin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waabariisii. ld waabberiisiin. waabberiisiin, waabariisii
waabariiso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Wax meel waagu ugu baryid. ld waabberiiso. waabberiiso
yaarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yaar². yaar
baadari [m.l] (-iyaal, m.l/dh)
(dii.) Wadaad fidiya diinta masiixiga. ld baaderi. baaderi
baadiqaris [m.dh]
Dad baadida soo gasha haysta oo aan sheegin.
haarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg haar². haar