Aasiya
()

Aasiya (Eeshiya Af-Ingiriis: Asia; Af-Carabi: آسيا; Listeni/ə[unsupported input]ˈeɪʃə/) waa qaarada ugu weyn Dhulka iyo tan ugu dadka badan leh, taasi oo dhacda meel u dhaxaysa dhamaan qaaradaha kale ee dhulka. Qaarada Aasiya waxay ku fadhidaa dhul baaxadiisu le'eg tahay 44,579,000 square kilometres (17,212,000 sq mi), taasi oo u dhiganta ilaa 30% dhulka Dunidan iyo 8.7% oogada sare ee meerahan. Intaas waxaa dheer, qaaradan waxaa ku dhaqan shacabka ugu badan ee aduunka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh Aasiya

burjuwaasiyad [m.dh] (-do, m.l)
(siyaa.) Dabaqad ka mid ah bulshada, haystana dhaqaalaha ugu badan marka loo eego aragtida Maarkiska.

diblomaasiyad [m.dh]
(siyaa.) Xirribta iyo siyaasad wanaagga lagu maamulo xiriirka ka dhexeeya dawladaha.

diinta Budhiismaha [m.dh]
(dii.) Diinta ay dadka qaarkood aaminsanyihiin inay ku barayso sida aad isaga baabbi'in lahayd murugta, waxaana lagaga dhaqmaa Aasiyada bari, iyo Aasiyada dhexe.

dunida saddexaad [m.dh]
Waaddamada Aasiya, Afrika, iyo Laatiin Ameerika ayaa laysku yiraahdaa waddamada d. s., waa waddamo aalaaba sabool ah.

mansuun [m.l] (-no, m.dh)
(juqr.) Eray ka soo askunmay kelmadda carabiga ah ee “mawsim” macnaheeduna yahay “xilli”, carabta ayaana u isticmaasha dabaylo, xilliyeedka ka dhaca Badda Carbeed, kuwaas oo muddo lix bilood ah ka soo dhaca dhanka koonfurta galbeed (KG), lix biloodna ka soo dhaca dhanka woqooyi bari (WB). Imminka guud ahaan waxaa lagu isticmaala dabaylaha jihadoodu xilliyada isla beddesho. Waxay si gaar ah xoog ugu leeyihiin kulaalayaasha dhanka bari ee qaaradaha, laakiin, sidaas oo kale, waxay ka dhacaan kulaalayaasha a bannaanka, maxaa yeelay Bariga Aasiya waxay gaaraan ilaa 60 ee woqooyi.

moosin [m.l] (-nno, m.dh)
1. Dabayl xilli ku socota oo ka dhacda badweynta Hindiya iyo Aasiyada koofureed. 2. Xilli; wakhti. 3. Nooc ka mid ah doonyaha.

sandal [m.l]
1. Geed dheer oo ka baxa Aasiya, Ostaraaliya iyo jasiiradaha Badweynta Deggan oo udgoon, waxaana laga sameeyaa santuukhyada qoraalka lagu xardho, ulaha babbisyada iyo saqafaha. 2. Dhir udgoon iyo saliid la isku qooshey oo raggu oogada marsado.

shabeel [m.l] (-llo, m.dh)
1. Dugaag ku nool Afrika, Aasiya iyo meelo kale, leh midab cawl ah oo baro baro madow ku dhex jiraan, dhulka dhirtu ku badantahayna jooga oo geedaha fuula; xoolaha iyo ugaartana aad u laaya, dadkana cuna. 2. Libaax badeed qallafsan oo oogada baro ku leh.

sinjibiil [m.dh]
Geedgaab laamo dhuudhuuban iyo caleemo sida kuwa meseggada u baxa leh, kana baxa Afrika iyo Aasiya oo leh bari dhadhan kulul oo cuntada lagu darsado, daawana laga sameeyo.

Ruushka []
Wadanka Ruushka (Af-Ruush: Россия, Af-Ingiriis: Russia) waa wadanka ugu weyn aduunka, waxoona ku yaalaa qaaradaha Yurub iyo Aasiya. Caasimadiisu waa Moskow (Moscow)

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg