Yurub
()

Yurub (Af-Ingiriis: Europe; Af-Carabi: أوروبا) waa qaarada ugu xigta dhinaca galbeed ee arliga weyn ee la isku yidhaahdo "Eurasia" kaasi oo ka kooban qaarada Aasiya iyo Yurub. Qaarada Yurub waxaa dhinaca waqooyi ka dhaca Bada Arktik, dhinaca galbeedka waxaa ka xiga Badweynta Atlaantik, dhinaca koonfureed waxaa ka dhaca Bada Mediterraniyan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh Yurub

waagii dhagaxa-dambe [m.l]
(taar.) Wuxuu sheegayaa waxyaabaha la xiriira waqtigii taariikhda ka horeeyey, markii ay dadku bilaabeen beerashada, laakiin dhagaxa ay waqtigaas u isticmaali jireen qalab ahaan, waqtigaas oo dhamaaday 9000-6000, dhalashadii Nebi Cise horti koonfur-galbeed Aasaiya, 4000 ilaa 2400 Nabi ciise horti ee Yurub.

waayadii dhexe [m.dh]
(taar.) Wax la xiriira waqtayadii dhexe intii u dhexeeysay 1100 Ciise kaddib gaar ahaan taarikhada Yurub.

barashada cilmiyadii hore [m.dh]
(taar.) Barashada su'aalaha caamka ah, laga bilaabo far qoriddii hore, iyo barashada Kirishtaannimada, sidii ay sameeyeen Yurub qarnigii 9aad ilaa kii 17aad.

istebis [m.l] (-syo, m.dh)
(juqr.) Dhul-cawsaadka loolka dhexe, oo ka kooban heer, guud ahaan bannaanada aan dhirta lahayn ee yurayshiya, oo fidsan gobollada hoose ee Danuub, iyo jiid weyn oo ah koonfurta yurub ee midowga soofiyati iyo koonfurta galbeed ee Sayberiya.

Ruushka []
Wadanka Ruushka (Af-Ruush: Россия, Af-Ingiriis: Russia) waa wadanka ugu weyn aduunka, waxoona ku yaalaa qaaradaha Yurub iyo Aasiya. Caasimadiisu waa Moskow (Moscow)

Iswiidhan []
Iswiidhan (Af-Iswiidhan: Sverige; Af-Ingiriis: Sweden), Boqortooyada Iswiidhan (Af-Iswiidhan: Konungariket Sverige), waa dal ka mid ah Iskaandinafiyaaka dhacana Woqooyiyiga Yurub.

Beljim []
Beljim (Af-Ingiriis: Belgium, Af-Faransiis: Belgique) (Af-Holandees: België) Beljim waa wadan ku yaala yurub , waxa ay dhacdaa waqooyi galbayd yurub , beljim waxa daris la ah wadamada Faransiiska, Jarmalka, Holland iyo wadanka logsonberg (luxembourg) dhinaca bada waxa uu daris kala yahay Ingiriiska. Caasimadna waxa u ah Brussels (Af-Soomaali: Baraselis) waana isla caasimada yurub Brussels. Biljim

Kuruweshiya []
Kuruweshiya (hr: Hrvatska, Af-Ingiriis: Croatia) waa wadan ku yaalo bartamaha iyo koonfurta bari ee qaarada Yurub. Caasimadiisuna waa Zagreb.

Faransiiska []
Faransiiska (Af-Faransiis: La France; Af-Carabi: فرنسا) sida dowliga ah loo yaqaano Jamhuuriyadda Faransiiska (Af-Faransiis: République Française; Af-Carabi: الجمهورية الفرنسية) waa dalka mid ah dalalka kuyaala galbeedka qaarada Yurub. farnsiisku waxa uu kakoobanyahy dhul kal fog fog iyo jasiirado kuyaala goobo aad uga fog dhulwaynaha faransiiska waxa kale oo farnsiiska kamida halka looyaqaano Faransiis Guyana iyo jasiirado aad ubadan oo cidhifyada caalamka kuyaala dadka wadanka farnsiiska udhashay waxa wadankooda ay uguyeedhaan (Hexagone) oo macneheedu tahay Lix geesood. Caasimadiisuna waa Baariis (Paris)

yur [Erey Dareen | Exclamation]
Erey xoog loo yiraahdo kolka bahal layska celinayo, si uu u joogsado.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg