bulsho
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Dad meel ku wada nool oo isku dan ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bulsho ↴

naadi [m.l] (-iyo/-iyaal, m.l/dh)
1. Rug dad isku dan ahi ku kulmaan. 2. Dad isugu tegay arrimo siyaaso, jinsiyad, ama bulsho.

caado [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl. dhibaad, xiso, xayl

yake [m.l]
1. Ganaax weyn oo la saaro cid jebisey xeer u degsan bulsho dhaqan wadaag leh. 2. ld yeeg.

af [m.l]
(afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.

basar [m.l]
1. Hab iyo hannaan qof bulsho uu la noolyahay ula dhaqmo. 2. Tab iyo xeelad qof adeegsado si uu arrin ugu xalliyo. 3. ld basrid.

caaqil [m.l] (-liin/-llo, m.dh)
1. Nin caqli badan. 2. (-llo/cuqaal m.dh) Nin bulsho meel ku wada nool u dooratay inuu madax u noqdo; nabaddoon.

caleemasaar [m.l]
U boqridda cid loo boqro in ay bulsho madax u noqoto. ld caleemasaarid.

caleemasaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Qof in uu bulsho madax u noqdo u boqrid. ld caleensaar².

dabaqad [m.dh] (-do, m.l)
Qayb bulsho ka mid ah oo isku dan ah.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg