jir
(m.l) (-rar, m.l)

1. Oogada dadka. 2. Roob badan oo habeen da'a.

jir
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-ray, -rtay)

1. (f.g) Meel ku maqnaansho. 2. (f.g) Nafley iwm mudda noolaan. 3. (f.g) Wax sugnaantooda hubid. 4. (f.mg) La j.: xoolo ilaalin. 5. (f.mg) La j.: cid la socosho ama la joogid. 6. Jirtoo: waa yahay ee... Tus. “Naahoy, jirtoo hadduu aabbahaa dhul kala dillacay isku kabi karayo waa nin rag ah, hayeeshee aniga meesha aabbahay joogo dhulkuba kama kala dillaaco!”. 7. Iska j.: Ka digtoonow! 8. Shay intuu ka fogyahay shay kale.

lama-iyaaka-dhexdood-nacbudu-aa-ku-jirtaa*

Wax walba wax ayaa ku duugan.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jir

aabi [m.l ]
Gardarro isla weyni iyo kibir ku jiro oo cid lagula muujiyo.

aal [m.dh.fk]
Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale. “Ciise aashiis buu hadlaa”. aayar, tartiib, qunyar

obiyum [m.l (daaw.)]
Dawo laga miiro geedka la yiraahdo “poppy papaver somniferum” oo xanuun bi'is ah hurdana keenta maadama ay morfiin ku jirto.

da' [m.dh]
1. ld da'aad. Inta sano, bilo, maalmo iwm ee nafley jirto laga bilaabo maalintii uu dhashay; cumri. 2. D. ah: qof sanado badan jira; duq. 3. Dad hal casri wada nool. duq, da'aad

jaabajaabeyn [m.dh]
1. Dad isku dhex jira oo aan isgaranayn. 2. Dad keli keli ah. 3. ld jaabeyn. jaabeyn

laab [m.dh]
1. Jirka dadka soo jeedka inta u dexeysa luqunta iyo caloosha; xabad. 2. Qalbi; niyad. qalbi, niyad, xabad

na [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus. “Idinkaa na siiyay buuggan”.

saab [m.l] (-bab, m.l)
1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samay-san isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye. taliye

saab [m.l]
1. (xis.) Nooc ka mid ah toobineed oo leh xoodbeeg le'eg hal. Ama xood uran oo ku wanqaran dhidibkiisa. Barta uu xoodku ka gooyo dhidibka waa geeska. Habdhiska kulanka kaartis saabku waxa uu leeyahay isle'eg beegaal oo leh sansaanka y = 4ax. 2.ÿ(xis.) Ururka baraha in u wada jira xarriiq iyo bar maguuraan ah. Xarriiq-da waxa la yiraahdaa jeedshe bartana kul-mis.

saabbuun [m.dh]
Xayr iyo maadooyin kale oo la isku kariyey, adke laga dhigay oo dharka iyo jirka lagu mayrto, biyahana ku milma. ld saabuun. saabuun

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg