nabadgelyo
(Magac Dheddig ah | Feminine Noun)

Xaalad nabad iyo degganaan leh oo lagu sugnaado.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nabadgelyo

og
[m.l]

1. ld ogaan (1). Garasho wax loo leeyahay; arrintaas ogaal baan u falay. 2. Xog wax laga hayo. Tus. “Ogaalkay nabadgelyo ayaa halkaa ka jirtay”. 3. Xog'ogaal: oogaanta wax guntooda la ogyahay. ogaan

nabaaddiino
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.

wadayaal
[m.l]

Dad isku xeer ah oo degaan si nabadgelyo ah ugu wada nool. ld wadataal.

ammaan
[m.l]

1. Nabadgelyo. 2. Qodob yar oo ku yaal buntukha, bistooladda, hubka qarxa iwm oo marka la xiro qaraxa ka ilaaliya rasaasta ama hubka kale. 3. Cad kala bara kuruska geela oo sida badan ceeriinka laga cuno.

ammaanee
[Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -naysay)

Qof ama shay ammaan siin; nabadgelyo siin.

ammaangeli
[Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)

Wax nabadgelyo siin.

amni
[m.l]

Nabad, nabadgelyo.

baraar
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)

Barwaaqo, caafimaad iyo nabadgelyo ku noolaan.

danwadaag
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-go, m.l)

1. Dad isku degaan ah oo wadaaga heshiis nabadgelyo. 2. Dad isku degaan ah oo dan gaar ahaaneed ka dhexeyso.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg