nuujin
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg nuuji.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nuujin

taadhisaar
[m.l]

Dumar ama xoolaha kale oo umula iyagoo weli nuujinaya.

taadhisaar
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)

Dumar ama xoolaha kale iyagoo weli nuujinaya umulid.

naasnuujin
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]

eeg naasnuuji. ld naasnuujis.

caalsaar
[Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)

Neef irmaan ilmihiisa oo meel ku xiran nuujin. ld caalsaaree (1).

caanannuujin
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]

eeg caanannuuji.

dabsii
[Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)

Ilmo xoolaad, yar, aan hooyo lahayn, neef kale nuujin.

golmaran
[m.f.kh]

1. Dheddig xoolaad ama dad oo aan uurkiisa ilmo ku jirin, caruurna nuujineyna. 2. Oori ciddoodi jirtay oo faramaran kaga timid. 3. Nin aan hub sidan.

jaqsii
[Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)

Wax nuujin.

maraq
[m.l] (-rqo, m.l)

1. Meyrax la jilciyay oo geela naasaha looga maro si aan loo nuujin. 2. Fuud.

mulul
[m.l]

1. (m.u) Haweenay ama neef xoolaad oo uur yeeshay ama rimay iyada oo ilmihii weli nuujinaysa. 2. M. ah: dheddig dad ama xoolaad oo sano walba dhasha. 3. M. ah: neef ari ah oo aad caato u ah. 4. ld mululid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg