nuurad
(Magac Dheddig ah | Feminine Noun) (-do, m.l)

Maaddo midab cad leh oo laga helo dhagxaan si gaar ah loo gubay, dhismayaashana lagu dhisaa ama lagu caddeeyaa. ld nuuriyad, nuuriyo.

nuurad
(Magac Dheddig ah | Feminine Noun)

(kiim.) Kaalsiyam.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nuurad

tabaashiir
[m.l]

(jool.) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.

cad
[m.l]

1. Midabka caanaha, nuuradda iwm ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.

dhagax-nuuradeed
[m.l]

(jool.) Dhagax ay muhiimtahay inuu ka koobnaado 50% kaalshiyam kaarbonayt.

dolmayt
[m.l] (-tyo, m.dh)

(jool.) Macdan ku dhow ili-ka-gudubtay oo ka kooban kaarboonayt laba luxdan oo ah kaalshiyam iyo magniisiyam; amase waa dhadhaab sida qaalibka ah loo yaqaan magniisiyam-dhagax nuuradeed oo macdantu tahay qaybta ugu mudan.

gaantay
[m.l] (-yo, m.dh)

(jool.) Xabuub khafiif oo dhadhaab lakabeed oo ka dhashay dhoobo, waxa laga yabaa iney ku sameysantey cadaadis culeyska dhadhabaha kor saaran dartood, ama sibidhow (cementation), sida nuuradda.

galaal
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

1. Diillin cad oo madaxa idaha bartanka kaga tal. 2. Dambas, nuurad iwm oo qof la fooray wejiga laga mariyo.

galaal
[Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)

Qof laga badiyey turub wajiga dambas, nuurad iwm ka marin.

hogdhagax
[m.l] (-xyo, m.dh)

1. Meel hog ah oo dhagaxa laga guro. 2. Meesha dhagaxa lagu gubo si nuurad looga dhigo.

malaas
[m.l]

Salaaxidda dhoobo, shamiito, nuurad iwm ee derbi lagu sameeynayo la salaaxo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg