quf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fay, -ftay)Wax meel ka buuxaan in in uga soo saarid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh quf ↴
oofwareen [m.l] (-nno, m.dh)
Cudur qufac iyo xummad leh oo saableyda dadka ku dhaca.
taallaquf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Raaf dhul ku xoqid si uu u guulo dibi kale (dibi).
taallaqufid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taallaquf.
urug [m.dh]
Cudur dadka, xoolaha iyo shimbiraha ku dhaca oo sambabada waxyeeleeya oo xummad badan iyo qufac leh; qaaxo; feero.
xabaalaquf [m.dh]
Qarandi; saddexsuulley.
adab [m.dh] (-byo, m.l)
1. Qalab u gaar ah aqal Soomaaliga oo wax lagu rito sida qufadda, xashinta iwm. 2. Kolay yar oo ka samaysan harag ama mayrax oo ay haweenku wax ku gurtaan.
bakhtiquf [m.l]
ld baqtiquf¹.
bakhtiquf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
ld baqtiquf².
bakhtiqufid [m.dh]
ld baqtiqufid.
balqan-keene [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(daaw.) Dawo badinaysa sii deynta calyada ee neefmareennada taaso sahleysa qufaca. Waxaana lagu daraa dawooyinka qufaca; waxayna ka falgashaa kordhinta sii deynta dhuumaha neefta, wayna jilcisaa xaakada.