taxane
(m.l) (-nayaal, m.l/dh)1. (xis.) Teed tirooyin maangal ah (ama waxyaabo kale) oo qaab laydi leh. 2. (kiim.) Urur xaddiyo ah oo u habaysan dhinac u taxyo iyo joog u taxyo si ay u sameeyaan qaab teed laydisan. Badanaaba waxa lagu dhex xiraa laba bilood ama laba sakal. Taxaneyaasha ma aha qiime tireed sida sugayaasha. Waxaa loo adeegsadaa in lagu muujiyo xiriirka ka dhexeeya xaddiyada.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taxane ↴
taban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Tiro taxane ah oo eber ka yar ahaansho.
waagii macdanka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waagii dadku qalabka iyo hubka ay isticmaalaan ka samaysan jireen maar iyo tiin la isku dhafay. Waagani ma sheegayo waqti go'an oo taariikheed oo si taxane ah ugu xidhiidhsan dhacdooyin ka horreeyay; hase ahaatee, waagani wuxuu tilmaamayaa marxalad dhaqameed oo dadyow badan oo dunida ku nooli soo mareen, marka la eegayo horumarkii ay soo sameeyeen laga soo billaabo waagii alabka dhagxaanta laga samaysan jiray ilaa laga soo gaaro waqtigii la bartay qalabka xadiidka.
abwaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. A. ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riw.) Qof riwaayadaha curiya.
alkahool [m.l] (-lo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban hal ama in ka badan oo haydaroogsayl (-OH). Alkahoolladu waa haydaroogsi laga soo dhirandhiriyey alkeynnada. Waxay sameeyaan taxane isku mid ah C H n+1. H. Alkahoollada waxa lagu kala sooci karaa dabeecadda kaarboon atamka ay ku dhegsanyihiin.
ambiyeer-beege [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalab lagu cabbiro xaddiga qulqulka danabka ee mareeg danab. Ambiyeer beegga waxa mareegta loogu xidhaa si taxane ah.
cal [m.dh] (-lo, m.l)
1. Buur aad u dheer. 2. Buur taxane ah.
gulukows burburin [m.dh]
(baay.) Falgallo bayokiimikeed oo taxane ah, oo guluukowsta loo jejebiyo bayruufeyt iyada oo loo sii daynayo tamar loo isticmaali karo qaabka ATP.
kalasoocid [m.dh]
(baay.) Habaynta noolayaasha iyada oo loo kala qaybinayo kooxo taxane ah, laguna salaynayo fisiyoolajigooda, anatamigooda, bayokiimiko ahaan ama xidhiidho kale oo ka dhexeeya.
lambar [m.l] (-rro, m.dh)
Mid ka mid ah ah tiro taxane ah oo wax leeyihiin. ld nambar.
sheeko [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Hadal taxane ah oo dhacdo run ama been ah wax ka sheegaya. 2. Wax laysu sheego.