wareejin
(m.f.dh)

eeg wareeji. ld wareejis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wareejin

maageer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Dhagax iwm ku meel ood, meel ku wareejin. ld meegaar², weegar², waageer².

bannee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -naysay)
1. Wax meel sida waddo, irrid iwm ku gudban ka wareejin. 2. Meel xadeysan wax ku jira ka saarid. 3. Meel geedo ku yaalin bannaan ka dhigid. 4. Wax samayntooda oggolaan (sharci).

beddel [m.l]
1. ld beddelid. Dhaafsashada wax wax kale la dhaafsado. 2. ld beddelid. Wareejinta qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo. 3. B. ah: qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo si uu hawshii halka uga si wato.

dabaakh [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-khay, -khday)
Fooro wareejin ku tartamid (cayaar turub). ld dabaaq², dibaakh².

dhaafi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax meel ka gudbin. 2. (f.g) Wax, wax kale oo taagan ama ay isku dhinac u socdaan ka hormarin. 3. (f.g) Iyadoo sixir la adeegsanayo cid jirradeeda cid kale ku wareejin. 4. (f.g) Cid maaweelo waqti kaga lumin. 5. (f.mg) U dh.: cid wax, wax kale ugu beddelid.

dhaqanwareejin [m.f.dh]
eeg dhaqanwareeji.

dhaxalwareejin [m.f.dh]
eeg dhaxalwareeji.

galool [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-oolay, -ooshay)
Xarig iwm dhawr jeer isku wareejin si duub looga dhig.

heeraar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Gabar yar oo aan weli qaangaarin, iyadoo food loo reebayo dhalada ka xiirid. 2. Ood iwm meel ku wareejin.

iscasil [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ilay, -ishay)
Qof jago iwm oo uu hayey iskiis u wareejin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg