Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qawadid
malbo  Weel biyood dhoobo ka sameysan; ashuun.
malcabad  ld malcamad.
malcamad  (dii.) Dugsi quraanka laga barto. ld malcabad.
malcaqad  ld macalgad.
malcuun  1. M. ah: qof xun. 2. Nacaladi ku dhacday.
malcuunnimo  Malcuun ahaansho.
maldah  Hadal sarbeebid.
maldahan  Wax la maldahay ahaansho (hadal).
Maldahay  eeg Maldahan.
maldahnaan  eeg maldahan. ld maldahnaansho.
maldahnaansho  1. eeg maldahnow. 2. ld maldahnaan.
maldahnow  Wax la maldahay noqosho (hadal).
maldheer  ld mandheer.
maldihid  eeg maldah.
male  1. Wax aan la hubin. 2. (fk) Mindhaa. 3. ld malo.
malee  1. (f.g/mg) M./u m.: wax aan la hubin xaqiiqdooda fikrad ku cabbirid. 2. (f.mg) Isu m.: isu haysasho.
maleeg  1. Wax soohid. 2. Cid shirqool u dhigid.
maleegan1  Wax la maleegay noqosho. maleegan2  Wax la maleegay ahaansho. maleegid  eeg maleeg.
maleegmid  eeg maleegan¹.
maleegnaan  eeg maleeg². ld maleegnaansho.
maleegnaansho  ld maleegnaan.
maleeqo  ld malliiqo.
malgacad  ld macalgad.
malgid  eeg malag². ld melgid.
malid  eeg mal².
maliid  ld mariid.
maliiddo  Mindi yar oo madaxa lagu xiirto, hargaha lagu hoolo, ilmahana lagu gudo. ld maddiil, mandiil, mindiil.
maliil1  1. ld mariil 1. Qof tabartii ku dhamaatay jirro muddo haysay ama hayso awgeed. 2. ld maliilid.
page : 36 of 131
<< < 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 > >>

 

Exit mobile version