Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: hirqad
dheecaan (1) ld dhacaan¹.
dheecaan (2) ld dhacaan³.
dheecaan-calooleed (c.nafl.) Dheecaanka ay soo daayaan qanjirrada caloosha.
dheecaan-gaastarig (dhecaanno ..., m.dh) (c.nafl.) Iskujir asiidhan oo ka kooban cusbooyin aan orgaanik ahayn, haydarookoloorik asiidh, iyo insaymyo dheefshiid. Tusaale ahaan: bebsin, oo ay soo saaraan qanjidho ku safan calooshu.
dheedheero ld dheerdheero.
dheedheeroo ld dheerdheeroo.
dheedheerood ld dheerdheerood.
dheef (1) 1. Fiitamiinka cuntada, caanaha iwm ku jiro. 2. Dulsaarka faa'iido ahaan looga helo lacag bangi la dhigtay.
dheef (2) Ka dh.: wax faa'iido ka helid.
dheef-burburin (baay.) Burburka dheefsasho ee molikiyuullada waaweyn ee nooluhu, isugu beddelaan kuwo yar yar iyada oo la sii daynayo tamar. Neefsashada ayaa tusaale u ah falgallada taxana ah ee dh.b.ta.
dheefayn eeg dheefee.
dheefee Cid dheef siin.
dheefi Wax waxtar iyo dheef leh siin; cunto siin.
dheefin eeg dheefi.
dheefsad ld dheefsasho.
dheefsade (baay.) Noole quuta kuwa ka yaryar, marka laga eego xagga silsiladda cuntada. Daaqcunayaashu waxay quutaan dhirta cagaaran oo waa dheefsade hore, hilibcunayaashuna waxay quutaan daaq cunayaasha, markaa waa dh. dambe.
dheefsamayn (baay.) Samayska dheefasho ee borotiinnada, duxda iyo waxyaabo kale oo noolayaasho ku jira ee laga samaynayo moolikiyuullo iyo walxo kale oo yaryar.
dheefsasho (1) eeg dheefso. ld dheefsad, dheefsi.
dheefsasho (2) 1. (baay.) Samayska dh. ee borotinnada, duxda iyo waxyaaba kale oo noolayaasha ku jira ee laga samaynayo molikiyuullada iyo walxo kale oo yaryar. 2. (baay.) Wadarta ama isugeynta falgallada kiimikaad ee ka dhex dhaca noolayaasha.
dheefsasho-saleed (baay.) (Herka dh. s.). Heerka tamar dh. ee looga baahanyahay inay xayawaanka ku hayso nasasho. Heerka dh. waxa lagu qiyaasaa habka soo saarka kulka ee halbeeg waqti: waxay tilmaamaysaa tamarta la isticmaalay si loo fuliyo shaqooyinka muhimka ah, sida garaaca wadnaha, neefsashada, dhaq- dhaqaaqa dareenwadka, gudbin firfircoon iyo dhiiqista.
dheefshiid (1) ld dheefshiidid.
dheefshiid (2) (baay.) Burburinta uu noole burburinayo cunto soo gashay ee uu ka dhigayo kiimiko ahaan qaab fudud oo si sahlan loo nuugi karo jidhkuna uu isticmaali karo ayaa loo yaqaan dh.
dheefshiid (3) Wax dejin.
dheefshiid-dhiman (daaw.) Dheefshiid xumaada, cunnada kaddib xanuun bay leedahay, dibiro, lallabo iyo matag.
dheefshiidid eeg dheefshiid³. ld dheefshiid¹.
dheefsi ld dheefsasho.
dheefso Wax dheef ka dhigasho.
dheeg 1. Labada dhinac ee laga raro geelo middood. 2. Markabka dushiisa sare.
dheegad ld dheegasho.
dheegasho eeg dheego. ld dheegad.
<< < 392 393 394 395 396 397 398 399 400 401 402 > >>

 

Exit mobile version