Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaldhow
caallirsanaan eeg caallirsan. ld caallirsanaansho.
caallirsanaansho ld caallirsanaan.
caalqaadad ld caalqaadasho.
caalqaadasho eeg caalqaado. ld caalqaadad.
caalqaado Arrin u hoggaansamid awood la'aan awgeed.
caalsaar (1) Nuujinta neef irmaani uu nuujiyo canug uu dhalay oo meel ku xiran. ld caalsaarree (1).
caalsaar (2) Neef irmaan ilmihiisa oo meel ku xiran nuujin. ld caalsaaree (1).
caalsaarad ld caalsaarasho.
caalsaarasho eeg caalsaaro. ld caalsaarad.
caalsaarayn eeg caalsaaree. ld caalsaarays.
caalsaarays ld caalsaarayn.
caalsaare 1. ld caalsaar¹. 2. Qori barta shiishka xabbad kor uga kaca.
caalsaaree 1. ld caalsaar². 2. Qori, xabbad barta shiishka kor uga qaadid.
caalsaarid eeg caalsaar².
caalsaaro Neef irmaan caalsaar samayn.
caalwaa (1) 1. Karti iyo xoog uu wax ku qabto la'. 2. ld caalwaayid.
caalwaa (2) Tabar iyo awood arrin wax lagaga qabto waayid.
caalwaayid eeg caalwaa². ld caalwaa¹ (2).
caam C. ah: wax guud ahaaneed oo dad badan u dhexeeyo.
caambax Ku c.: qof wax caan ku noqosho.
caambixid eeg caambax.
caamnimo Caam ahaansho.
caamo 1. Dad aan wax qori karin waxna akhrin karin. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon badan u lahayn.
caan C. ah: wax dad badani yaqaan.
caanacaso Caano xoolaad ama haween oo aan nafaqo lahayn.
caanad Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyada oo qiimaheedu yahay toban senti.
caanaddiid (1) 1. C. ah: waqtiga barwaa- qada qofka caanaha dhami kari waayay, markay ku keliyaysteen. 2. ld caanadiidid.
caanaddiid (2) Waqti barwaaqo ah, caano dhami waayid.
caanaddiidid eeg caanaddiid². ld caanadiid¹ (1).
caanaddiiq (1) Dad caanaha xoolaha suuqa u iib geeya. ld caanateel¹, caanateelley, caanooley (1).
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>

 

Exit mobile version