jiriir ld jariir.
jiriiricaysan Wax jiriirico hayso ahaansho.
jiriiricaysnaan eeg jiriiricaysan. ld jiriiricaysnaansho.
jiriiricaysnaansho ld jiriiricaysnaan.
jiriirico Firiiric yaryar oo daldaloollada oogada ka soo yaaca kolka dhaxan iwm la dareemo.
jiriiricoo Jiriirico dareemid.
jiriiricood eeg jiriiricoo.
jirin eeg jiri.
jiririq Cod ay sameeyaan xaya-waanka iyo cayayaanka qaarkood. J. dheh: jiririqleyn. ld jirriq.
jiririqlee Jiririq samayn.
jiririqleyn eeg jiririqlee.
jirjir 1. Dhabarka dadka iyo nafleya kale. 2. Labada dhinac ee feeraleyda midkood. 3. Mindi iwm dhinaca wax gooya, ma ahee dhinaca kale. 4. Webi, beer iwm gawgoo-da.
jirjirree 1. Dhabar u seexasho. 2. Dhabar u dabaalasho. 3. Qof hadba dhinac isu rogid.
jirjirreyn eeg jirjirree.
jirjirroole 1. Nafley yar afar addin iyo dabo dheer leh oo hadba meesha ay joogto midabkeeda yeelata; roor; geeldhugeeye. 2. J. ah: Qof isbedbedel badan.
jirme (bot.) Geedgaab, qodax yaryar iyo caleemo balballaaran leh, dhulka buuralay-da ah ka baxa oo qoloftiisa wax lagu aslado. ld jirmo.
jirmi ld jurmi.
jirmo ld jirme.
jirnac1 Dhul goof noqday. jirnac2 Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac saddex dhibcood ku leh, dhinaca kalena shan. ld banji-bisaliim, biish-bisaliim, saliim-bibiish. jirnax1 ld jiirnax¹. jirnax2 ld jiirnax². jirnicid eeg jirnac².
jirniin 1. Abuuritaanka ay wax abuu-ranyihiin. 2. Habka xoolaha loo ilaaliyo. ld jirriin.
jirnixid eeg jirnax².
jirraaq1 J. ah: qof sakaraad ah oo naftu dhibayso. jirraaq2 Qof sakaraad ah oo naftu dhibayso noqosho. jirraaqid eeg jirraaq². ld jirraaqis.
jirraaqis ld jirraaqid.
jirraaqo (c.nafl) Nooc ka mid ah quraanyada waaweyn, madmadow, madax-yo waaweyn oo raxanraxan u socota; buu-lallo.
page : 43 of 53
<< < 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 > >>