Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xug
haylaamee ld hayl².
haylaamid eeg haylaan³. ld haylaan¹ (2).
haylaan (1) 1. Shuban aan la celin karin. 2. ld haylaamid.
haylaan (2) 1. ld hayl¹. 2. Faraqyada maryaha.
haylaan (3) Wax shuban isku habeediyey noqosho.
haylan Wax hayl lagu suntay ahaansho.
haylid eeg hayl². ld haylaamayn, haylyaamayn.
haylnaan eeg haylan. ld haylnaansho.
haylnaansho ld haylnaan.
haylyaamayn ld haylid.
haylyaamee ld hayl².
hayn (1) Geed abaareed aan qodax lahayn; dalluug.
hayn (2) eeg hay. ld hays².
hayn-darro (daaw.) Soo dhaafid aan la ogeyn ee kaadida ama saxarada.
hayoomiso ld hayaamiso (2).
hayraf (1) Qubashada uu dhiig ka qubto meel la saray.
hayraf (2) Meel la saray dhiig ka qubasho.
hayrafid eeg hayraf².
hayras Neecaw qabow oo ka dambaysa roob da'ay; yalalaxo.
hays (1) Meel godan oo kuruska iyo misigta geela u dhexeysa.
hays (2) ld hayn².
haysad ld haysasho.
haysamo Cankuhays, uur, uurdhaj, wax dhalaya (masaggada, galleyda iwm marka ay uurka yihiin).
haysasho eeg hayso. ld haysad, haysi.
haysi ld haysasho.
haysimo 1. Filka wanka loo hayn karo (idaha). 2. Laboodka iyo dheddiga xoolaha isu hayntooda. 3. ld haystimo. Wallac (naag).
hayso 1. (f.g) Wax ku dhegid. 2. (f.g) Wax gacan ku hayn. 3. (f.mg) U h.: wax, wax u malayn. “Cali waxaan u haystaa in uu wanaagsanyahay”. 4.(f.mg) U h.: cid wax u qabsasho. 5. (f.mg) Isu h.: cid wax aanay ahayn ismoodid. 6. (f.mg) La h.: cid xiriir fiican la yeelasho. 7. (f.mg) La h.: hees, war iwm dhegeysigooda dhegta u raaricin.
haystimo ld haysimo (3).
hebdi Hebed ka dhigid (dheddig xoolaad).
hebdid eeg hebed². ld hebdin.
<< < 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 > >>

 

Exit mobile version