Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: calman
xabad Laab; gaaddo; shaf.
xabag 1. (-bko, m.l) Dhacaan geedaha qaarkood ka yimaada ama laga liso oo kolkii uu neecaawda dareemo isqabsada oo adkaada. 2. Hunguriga cad meesha curtu ku taal; cune; dig.
xabagbarshe ld xabag-barsho.
xabagbarshi ld xabagbarsho.
xabagbarsho Malabka awlalka ku jira mid ka mid ah oo shinnidu si gaar ah u samayso; waa miid sida xabagta dhirta qaar-keed u cad oo aan gows iyo wax kale midna dheehin, oo boqoraddeedu cunto. ld xabag-barshe, xabagbarshi.
xabagdhiig Nooc xabagta ka mid ah oo aad u guduud ah.
xabash Addoon; bidde.
xabashi (xabashi, m.dh) Nin dhalashadiisu amxaaro tahay.
xabawar Xoolo cidda laga wada oo meel naq leh la geeyo.
xabawari Xoolo iyadoo aan la nasin socod dheer oo aan kalago' lahayn wadid.
xabawarin eeg xabawari. ld xabawaris.
xabawaris ld xabawarin.
xabbaar (1) Qaybinta la qaybiyo xoolo la soo dhacay.
xabbaar (2) Xoolo la soo dhacay qaybin.
xabbaarid eeg xabbaar².
xabbad 1. (-do, m.l) Saanadda buntukha laga rido middeed; rasaas. 2. Cudur dadka ku dhaca; waraabow. 3. Wax keli ah; mid. 4. (-do, m.l) Iniin.
xabbadayn eeg xabbadee.
xabbadee 1. Cid xabbad ku ridid. 2. Wax hal hal ka dhigid.
xabbadqaad 1. Hab loo falkiyo der-mooyinka kabahooda casaan ku jiro. 2. Bi-lawga shax ciyaaridda marka la rabo in la guuro hogta la qaado si loo helo jid. 3. (-dyo, m.dh) buntukh hal xabbad kaliya qaada.
xabbaji Naasley dheddig oo dhalaysa xab bururin.
xabbajin eeg xabbaji. ld xabbajis.
xabbajis ld xabbajin.
xabbis (1) Dadka dembiga gala, meesha lagu xiro oo lagu hayo; xarig. ld xabsi.
xabbis (2) Qof xabsi gelin.
xabbisan Wax xabsi la geliyey ahaansho.
xabbisid eeg xabbis².
xabbisnaan eeg xabbisan. ld xabbis-naansho.
xabbisnaansho ld xabbisnaan.
xabbururi ld xabbaji.
xabbururin ld xabbajin, xabbururis.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>

 

Exit mobile version