heemasho eeg heemo.
heemi 1. Wax ilaa dhibicda ugu dambaysa cabbid; gorori. 2. Wax heen ka qaadid.
heemin eeg heemi.
heemo1 Illin ama duuf aan layska tirin. heemo2 1. Degid isu diyaarin. 2. Ku h.: wax ku soo uruurid. heen1 1. Dufanka kor fuula fuudka, hilib la karinayo. 2. Hoore yar oo weel salkiis ku haray. heen2 Subagga fuudka ama maraqa. heensad ld heensasho.
heensarraar Tiirar gaagaaban, tarraarro leh oo aqalka guradiisa lagu mudo lana saaro duubashida iwm.
heensasaar Alaab fardaha lagu qurxiyo.
heensasho eeg heenso. ld heensad, heensi, hiinsad, hiinsasho, hiinsi.
heensayn eeg heensee.
heensaysan Faras heense la saaray ahaansho.
heense Inta fardaha la saaro kolka la fuulayo (koore, xakame iwm).
heensee Faras heense saarid.
heenseysnaan eeg heenseysan. ld heenseysnaansho.
heenseysnaansho ld heenseyanaan.
heensi ld heensasho.
heenso Hoore ilaa dhibicda ugu dambaysa gororsasho. ld hiinso.
heer1 1. Dareere weel lagu shubay raadka uu reebo. 2. Jago; derejo. heer2 1. Wax goyn. 2. Wax heeraar ku samayn. heer tirobeel yare ld tirobeed yare.
heer-badeed (juqr.) Heerka baddu haddii aaney jirin mowjado, hirar ama haraaci.
heer-dhul (fiis.) Xaalad tamareedka neg, uguna hoose, ee molikiyuul, atam ama bu'. Tusaale ahaan, marka elektaroonka atamka hydaroojin ugu dhow bu'da, ayaa heerka tamarta atamka haydaroojin ugu hooseeyaa. Taas ayaa ah heer dhulka atamka.
heer-diirane (xis.) Inta jeer ee la sammeeyo xigsinaynta.
heer-suge (xis.) Tirada dhinac u taxyada ama joog u taxyada ee ku jira sugaha.
heer-tamar (kiim.) (Atam). Dhiska elektarooneed ee tilmaamaya sida elektaroonada ku gadaaman bu'du u habaysanyihiin, gaar ahaan heertamarrada ay ku sugan yihiin. Elektaroon kasta waxa xaaladdiisa. Lagu asteeyaa afarta tiro kuwaantam.
heer-tamar electaroon (kiim.) Kuwantamka ugu muhimsan tiradiisa n waxay soo saarta heerka ugu muhimsan ee tamarta, waxayna leedahay qiimaha 1, 2, 3 iwm (markastoo tirada badato, elegtoroonku wuu ka sii fogaadaa bu'da).
heer-xood Darajada isle'egta u taagan xood ama dul.
heeraab Docda hoose ee doonyaha tiir dheer oo ku yaal oo isu haya, shalmaankuna madaxa hoose ku hayo.
page : 52 of 93
<< < 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 > >>