dardhasho eeg dardho². ld dardhad.
dardhaysan Wax aad u dhaxamaysan ahaansho (nafley).
dardhaysnaan eeg dardhaysan. ld dardhaysnaansho.
dardhaysnaansho ld dardhaysnaan.
dardho1 Dhaxan badan. dardho2 Dhaxan aad u badan la gariirid (nafley). daree Nafley, nafley kale oo geel ah daro ku qabasho.
dareeme 1. Xubnaha dareenka jirka mid ka mid ah. 2. Xididdada nafleyda ee isku xira xangullaha iyo maskaxda. 3. ld dareemo.
dareeme-kiimikaad (baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
dareemid eeg dareen².
dareemo Caws dhaadheer, oo ka baxa bannaanka iyo dooxoyinka oo gammaanka, geelu jecelyihiin. ld dareeme (3), dureeme, dureemo.
dareen1 1. Garasho ku abuurta niyadda qofka isbeddal nafsadeed. 2. War dhiilo leh. 3. Tuhun; shaki. dareen2 1. Qof, isbeddel nafsaani ah oo ku abuurmay garasho. 2. Wax tuhmid. dareen-indheed (c.nafl.) Qaybta ugu yaryar saddexda qaybood ee dareenwada tirijeemin waxay soo qaaddaa dareenka kuuska isha, xuubka isha iyo qanjirka ilmada; waxay ka soo qaaddaa oo kale qayb yar oo sanka gudihiisa ka mid ah iyo maqaarka sanka sunniyaha iyo maqaarka madaxa.
dareen-xanuun (daaw.) Xanuun aad u daran oo gubasho ah ama mudid ah oo badanaa raaca lareemayaasha.
dareensad ld dareensasho.
dareensan Wax, wax dareemay ahaansho.
dareensanaan eeg dareensan. ld dareensanaansho.
dareensanaansho ld dareensanaan.
dareensasho eeg dareenso. ld dareensad, dareensi.
dareensi ld dareensasho.
dareensii Cid, xog ka maqnayd garansiin.
dareensiin eeg dareensii.
dareenso Cid, wax sharaysasho.
dareenwade (c.nafl.)Xidhmo nudo ah oo ka kooban miiqaq darenwade iyo nudo tiiriya, kuwaas oo ku dhex xidhan kiish ah nudo isku xidhayaal. Dareenwadayaashu waxay ku xidhaan habdhiska dareenwadka dhexe orgaannada iyo nudaha jidhka.
dareer1 Dhaqaaqidda xoolo meel ay tuurnaayeen ka dhaqaaqaan. ld dareerid. dareer2 1. Hoore si aan kala go'lahayn u socosho. 2. Nafley meel ay tuurnayd ka dhaqaaqid. ld dureer². dareeri 1. ld dureeri. Nafley, meel ay tuurnayd ka dhaqaajin. 2. Hilib dareerin ka dhigid. 3. Si dhaqso ah oo aan hakad lahayn wax u akhrin.
dareerid eeg dareer². ld dareer¹, dureer¹, dureerid.
dareerin1 eeg dareeri. ld dareeris¹, dureerin.
page : 54 of 218
<< < 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 > >>