Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
cayayaandile  (kiim.) Walax kiimikaad loo isticmaalo in lagu dilo cayayanka ama nooleyaal kale oo waxyeelleeya miraha iyo geedaha kale oo la beeray.
caycay  Nafley u nugul dhibaatada.
caycaynimo  Caycay ahaansho.
cayd  Baahi weyn oo wax loo qabo. ld ceed.
caydan  Qof, baahi weyn alaab maacuun u qaba ahaansho. ld ceedan.
caydbax  Alaab maacuun oo aad loogu baahnaa helid. ld ceedbax.
caydbixid  eeg caydbax. ld ceedbixid.
cayddi  1. Nooc mallayga yaryar ka mid ah oo koox-koox isu raaca. 2. Ilmo. 3. Wax yaryar oo aan qayme lahayn. (baay.) Nudo geed oo ka kooban unugyo si firfircoon u qaybsamaya oo soo saara unugyo; unugyadaas oo u meesiyooba nudaha cusub ee geedka.
caydnaan  eeg caydan. ld caydnaansho, ceednaan, ceednaansho.
caydnaansho  ld ceednaan.
cayil1  Hilib iyo baruur badan oo ay nafley yeelato. cayil2  Hilib iyo baruur badan yeelasho. cayilan  Wax cayilay ahaansho. ld cayillan.
cayili  Nafley wax cayilan ka dhigid.
cayilid  eeg cayil².
cayilin  eeg cayili.
cayillan  ld cayilan.
cayillanaan  ld cayilnaan.
cayillanaansho  ld cayilnaan.
cayilnaan  eeg cayilan. ld cayillanaan, cayillanaansho, cayilnaansho.
cayilnaansho  ld cayillanaan.
cayin  1. Wax tiradooda ama noocooda si cad u sheegid. 2. U c.: qof, meel u magacaabid.
cayinid  eeg cayin.
caymad  ld caymasho.
caymasho  eeg caymo². ld caymad.
caymi  1. Wax dhibaato ama halis ka nabadgelin. 2. Aawr la rarayo, cayn ku giijin. 3. Hanti caymis ka diiwaangelin.
caymin  eeg caymi. ld caymis (2).
caymis  1. Shirkad lacag ka qaadda ciddii ay heshiis la gasha oo u magdhawda markuu shil ku yimaado. 2. ld caymin.
caymo1  1. In ka samatabaxday hanti burbur ku dhacay. 2. Kaalmo aan badnayn oo la siiyo cid hantidii ay lahayd dhaaftay. ld caynaano. caymo2  1. Wax halis ka samatabixid. 2. Xoolo lumay ama la dhacay in yar ka badbaadid.
page : 59 of 95
<< < 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 > >>

 

Exit mobile version