Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: tamar
gacanqaad (1) 1. Dagaal yar oo gacan la adeegsanayo. 2. Salaan kalgacaltooyo. 3. Siin; waxbixin. 4. ld gacanqaadid.
gacanqaad (2) 1. (f.g) Cid gacan ku salaamid. 2. (f.g) Qof xaal siin. 3. (f.mg) Dagaal bilaabid. 4. (f.mg) U g.: cid wax ugu deeqid.
gacanqaadid eeg gacanqaad². ld gacanqaad¹ (4).
gacanqabad ld gacanqabasho.
gacanqabasho eeg gacanqabo. ld gacanqabad.
gacanqabo Cid taageerid.
gacanqabsad ld gacanqabsasho.
gacanqabsasho eeg gacanqabso. ld gacanqabsad, gacanqabsi (4).
gacanqabsi 1. Ul ama wax la mid ah oo marka la socdo gacanta lagu qaato. 2. Lacag yar oo lagama maarmaanka lagu iibsado. 3. Lacag yar oo ganacsi lagu bilaabo. 4. ld gacanqabasho.
gacanqabso 1. Faa'iido badan helid. 2. Nin, gabar uu guursaday oo aan ciddeedu dhisin kaxaysasho.
gacansaar (1) 1. Iib qiimaha la bixinayo marka wax la kala gato. 2. Xiriir saaxiibnimo oo dhex mara laba qof ama ka badan. 3. G. ah: lacag caddaan ah oo wax lagu kala iibsado. 4. ld gacansaarid.
gacansaar (2) 1. (f.g) Cid, cid dagaal ka dhexeesa la heshiin. 2. (f.mg) Is g.: cid, cid kale dagaal gacanta la adeegsanayo isweydaarasho.
gacansaarid eeg gacansaar². ld gacansaar¹ (4).
gacansarrayn eeg gacansarree.
gacansarree Ka g.: wax ka lib keenid.
gacansayr (1) 1. Diidmo. 2. ld gacansayrid.
gacansayr (2) Ku g.: talo, amar iwm si qayaxan u diidid.
gacansayrid eeg gacansayr². ld gacansayr¹ (2).
gacansiin Gargaaridda, caawinidda.
gacantogaale ld gacantogaaleyn.
gacantogaalee 1. Wax durugsan laacid. 2. Ammaano loo dhiibtay ku takrifalid (qof). 3. Hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid.
gacantogaaleyn eeg gacantogaalee. ld gacantogaale, gacantogaaleys.
gacantogaaleys ld gacantogaaleyn.
gacantogaaleysad ld gacantogaaleysasho.
gacantogaaleysasho eeg gacanto- gaaleyso. ld gacantogaalaysad, gacanto- gaaleysi.
gacantogaaleysi ld gacantogaalaysasho.
gacantogaaleyso 1. Wax durugsan laacid. 2. Ammaano loo dhiibtay ku takrifalasho (qof).
gacanyare (1) Kaaliye; hoosjiooge.
gacanyare (2) (taar.) Bulshadii dhulgoosiga ninka ilaaliya boqorka, una qabta hawlaha militriga, kaddibna hela dhul uu ku noolaado.
gacayr Geed yar oo laamo jilicsan oo la cuno leh.
<< < 588 589 590 591 592 593 594 595 596 597 598 > >>

 

Exit mobile version