Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: lasow
beersaar (1) ld beersaarid.
beersaar (2) Faras leedda ah fuulid.
beersaarid eeg beersaar². ld beersaar¹, beersaaro.
beersaaro Fuulid degdeg ah oo faras aan koora lahayn la fuulo. ld beersaarid.
beertacab Beer falow.
beerxaw Cudur caloosha ku dhaca oo shuban xad-dhaaf ah leh.
beeryaro (1) 1. Xubin uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
beeryaro (2) (c.daaw.) Xubin ay leeyihiin lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo baabi'inta walxaha qalaad. Waxay u beesad dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas, waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro ahaaneed.
beesad Lacag bir ah oo ka mid ah sarrifka rubbiyadda oo u dhiganta toban senti.
beeso Lacag.
beestayn Lacag bir ah oo ka mid ah sarifka rubiyadda oo u dhiganta hal santi, dhuruuruq. ld beesteen.
beesteen ld beestayn.
beexaamid eeg beexaan².
beexaan (1) 1. Dhammaad; idlaad. 2. Kibir.
beexaan (2) 1. Wax dhammaansho. 2. Qof kibrid.
beeyo Xabag udgoon, lagu uunsado oo ka baxda geedaha meyddiga moxorka, guraha iwm.
begel ld bagal.
beji ld boji.
bejiino ld bojin.
bejin ld bojin.
bejis ld bojin.
bejiye ld bejiyo.
bejiyo Digir la shiiday basbaas, toon iyo basal lagu daray oo la dubay. ld bejiye.
bekeeri ld bakeeri.
bekel B. ah: qof fuley ah oo cabsi badan.
bekelnimo Bekel ahaansho.
belaayo Belo dhibaato weyn oo xambaarsan murugo iyo tiiraanyo. ld balaayo, belo.
belbel (1) 1. Holac weyn oo dabka ka baxo marka la shido. 2. ld belbelid. ld belel¹.
belbel (2) 1. Meel jirka ka mid ah oo dhaawac ah xanfaafid. 2. Dab holac weyn bixin. ld belel².
belbeli Dab si aad ah u holcin. ld beleli.
<< < 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 > >>

 

Exit mobile version