Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaqaan
ashkatood  ld ashtakood.
ashkir  Midab fardood ka kooban caddaan iyo casaan khafiif ah.
ashqaraar1  1. Yaab weyn; amakaag. 2. ld ashqaraarid. ashqaraar2  Yaab weyn iyo fajac la kulmid. ashqaraari  Cid ashqaraar ku ridid.
ashqaraarid  eeg ashqaraar². ld ashqaraar¹ (2).
ashqaraarin  eeg ashqaraari.
ashtakayn  eeg ashtakee. ld ashkatayn, astakayn.
ashtakee  Cid dacwo ku oogid. ld ashkatee, astakee.
ashtako  Eedsheegad af ama qoraal ah oo qof ku ooga cid, geeyana maxkamad ama cid kale oo wax ka qaban karto arrintaas; dacwo. ld ashkato, astako.
ashtakoo  Ashtako ama dacwo oogid. ld ashkatoo, astakoo.
ashtakood  eeg ashtakoo. ld ashkatood, astakood.
ashuun  ld aashuun.
asii  (nax.) 1. Erey lagu xiriiriyo laba weer aan xor ahayn; “oo”. Tus. “Haddaan lacag siiyo asii diido, maxaan sameynayaa?” 2. Erey lagu xiriiriyo laba weer xor ah; “-na”. Tus. “Lagac baan siiyay asuu diiday”.
asiib  1. Dhibaato weyn cid ku dhicid. “Inkaar baa asiibtay Cali”. 2. Arrin xalkeeda dhabta helid. Tus. “Ardaygii jawaabtii waa asiibay”. ld aseeb.
asiibid  eeg asiib. ld aseebid.
asiidh  (kiim.) 1. Nooc iskudhis ah oo leh haydarojiin kuna kalafurma biyaha oona saara ayoonno togan oo haydarojiin ah. 2. Aragtida lowri-boronistidh ee asiidhada iyo beysyada (1923), waxay qeexiddaa hore u ballaadhisay, in asiidhu tahay borotoo.
asiidh-bu'eed  (baay.) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha.
asiidh-cabirid  (kiim.) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.
asiidh-dufaneed  (baay.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban silsilad haydarookaarboon iyo dhammaad ah koox kaarboogsayl.
asiidh-laagtika  (baay.) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iwm.
asiidh-ooman  (kiim.) Iskudhisyada la falgala biyaha soona saara asiidh. Tusaale ahaan, karboon laba ogsaydh waxa uu lafalgalaa biyaha waxaana samaysma kaarboonig asiidh: CO2(g) + H2O(aq) = H2CO3(aq).
asiidha yuurig  (baay.) Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun.
asiili  1. ld asali. 2. Dugsiga caruurta yaryar aadaabta iyo farta lagu baro inta aanay waxbarashada rasmiga ah bilaabin.
asitayl  (kiim.) Kooxda orgaanigga ah ee CH3CO (kooxda itanoyl).
asjab  ld asyab.
askaaris  (baay.) Abla-ablaynta qaarkeed waxay ka tirsanyihiin duulka loo yaqaan fasmaydiya (Phasmaidia), waxaanay leeyihiin af leh 3 ilaa 6 baabila.
askaax  ld askax.
askar  ld askari.
askarayn  eeg askaree. ld caskarayn.
page : 65 of 75
<< < 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 > >>

 

Exit mobile version