kurtun 1. Qori ama jirrid geed oo gaaban oo dhulka ku aasan oo afkiisu soo taaganyahay. 2. Laan la gooyey oo intii hartay ay geedka ka soo taagantahay. ld kurtin.
kurus Cad baruur ah oo weyn oo geela dhabarkiisa ka baxa.
Kuruweshiya Kuruweshiya (hr: Hrvatska, Af-Ingiriis: Croatia) waa wadan ku yaalo bartamaha iyo koonfurta bari ee qaarada Yurub. Caasimadiisuna waa Zagreb.
kuryeysan Wax qaab kankoonsan leh ahaansho.
kuryeysnaan eeg kuryeysan. ld kuryeysnaansho.
kuryeysnaansho ld kuryeysnaan.
kuryo 1. Qaab sida kan kubbadda u wareegsan, u kankoonsan. 2. Huryo. 3. Madaxa inta luqunta ka sarreysa.
kuryoxoogle Wiil kuray ah oo aan qaangaarin.
kush Dhir badan oo aan la dhex mari karin; juq; kayn.
kushad eeg kusho.
kusheeg Is k.: qof isuqabe ah ama sheegte ah.
kushiin Qol cunnada lagu kariyo; jiko; alawaad.
kusho Kul iyo caro iska dareemid; xanaaqid; dhiidhiyid.
kusime Qof jago uu hayo aan rasmi ku aheyn; kumeelgaar.
kusimid eeg kusin.
kusin 1. Kumeelgaar. 2. Ku wareejin.
kutaan Dhiqle. ld tukhaan.
kutiri-kuteen K. ah: war aan xaqiiqadiisa la hayn oo la sheegsheego.
kutirsane (c.nafl) Xubin ka mid ah xubnaha urur, tusaale ahaan, 6 waa kutirsane ururka bilaha sannadka. 2. (xis.) Xarriijinta ka samaysanta qayb ka mid ah dusha sallaxan ee toobin ama dhululubo summad: E.
kutub ld kitaab.
kuud 1. Dhismo adag oo salkiisu wareegsanyahay ama afar gees yahay oo qurux ama in lagu dagaallamo loogu talaggalay. 2. Dhismo loogu talaggalay in korkiisa wax laga daawado, dhismayaasha kale oo dhanna ka dheer.
kuudud1 1. Fadhi foolxun; yoxoob, kamandhuur. 2. ld kuududid. kuudud2 Si foolxun u fadhiyid. ld kawdiid². kuududi Si foolxun u fariisin. ld kawdiidi.
kuududid eeg kuudud². ld kawdiid¹, kawdiidid, kuduud¹.
kuududin eeg kuududi. ld kawdiidin.
kuududiye ld kuududshe.
kuududshe Cudur dadka iyo duunyadaba ku dhaca oo addimadu soo laabmaan, dhaqdhaqaaqana u diida. ld kuududiye.
kuug 1. (-gag, m.l) Qof cuntada si wanaagsan u karin yaqaana; kooke. 2. K. ah: nooc tusbaxyada ka mid ah qurux badan oo aan qayirmin.
kuuki Bocoosha badda qaarkeed oo midabyo badan leh. ld kuukiyaan.
page : 70 of 73
<< < 65 66 67 68 69 70 71 72 73 >