Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xug
heenseysnaansho ld heenseyanaan.
heensi ld heensasho.
heenso Hoore ilaa dhibicda ugu dambaysa gororsasho. ld hiinso.
heer (1) 1. Dareere weel lagu shubay raadka uu reebo. 2. Jago; derejo.
heer (2) 1. Wax goyn. 2. Wax heeraar ku samayn.
heer tirobeel yare ld tirobeed yare.
heer-badeed (juqr.) Heerka baddu haddii aaney jirin mowjado, hirar ama haraaci.
heer-dhul (fiis.) Xaalad tamareedka neg, uguna hoose, ee molikiyuul, atam ama bu'. Tusaale ahaan, marka elektaroonka atamka hydaroojin ugu dhow bu'da, ayaa heerka tamarta atamka haydaroojin ugu hooseeyaa. Taas ayaa ah heer dhulka atamka.
heer-diirane (xis.) Inta jeer ee la sammeeyo xigsinaynta.
heer-suge (xis.) Tirada dhinac u taxyada ama joog u taxyada ee ku jira sugaha.
heer-tamar (kiim.) (Atam). Dhiska elektarooneed ee tilmaamaya sida elektaroonada ku gadaaman bu'du u habaysanyihiin, gaar ahaan heertamarrada ay ku sugan yihiin. Elektaroon kasta waxa xaaladdiisa. Lagu asteeyaa afarta tiro kuwaantam.
heer-tamar electaroon (kiim.) Kuwantamka ugu muhimsan tiradiisa n waxay soo saarta heerka ugu muhimsan ee tamarta, waxayna leedahay qiimaha 1, 2, 3 iwm (markastoo tirada badato, elegtoroonku wuu ka sii fogaadaa bu'da).
heer-xood Darajada isle'egta u taagan xood ama dul.
heeraab Docda hoose ee doonyaha tiir dheer oo ku yaal oo isu haya, shalmaankuna madaxa hoose ku hayo.
heeraar (1) 1. Timo wareeg ah oo gabdhaha aan weli qaan gaarin loogu reebo madaxa. 2. Ood iwm oo meel ku wareegsan.
heeraar (2) 1. Gabar yar oo aan weli qaangaarin, iyadoo food loo reebayo dhalada ka xiirid. 2. Ood iwm meel ku wareejin.
heeraaran 1. Wax heeraar loo yeelay ahaansho (gabar). 2. Ood iwm meel ku wareegsan.
heeraarasho eeg heeraaro.
heeraarid eeg heeraar².
heeraarnaan eeg heeraaran. ld heeraarnaansho.
heeraarnaansho ld heeraaran.
heeraaro Heeraar samaysasho.
heeran (1) ld heerin.
heeran (2) 1. Wax la jaray noqosho. 2. Heerin u safrid.
heeran (3) Wax la jaray ahaansho.
heerid eeg heer².
heerin H. ah: gabdho in la guursado darteed isu raaca oo dalka u mara. ld heeran¹.
heerkul (fiis.) Garaadaha kulka shay, inta baddanna waxaa lagu cabbiraa qiyaasta garaadaha santigiraydh (selsis) ama qiyaasta fahranhayt ama waxa lagu qiyaasaa heerkulbeeg.
heerkul qiirqiir (fiis.) Heerkulka heer ka sareeya, aanay neefi ku hooroobeyn, xataa haddii la kordhiyo cadaadiska saaran.
heerkulbeeg (fiis.) Aalad loo isticmaalo qiyaasta heerkulka badanaa iyada oo isbeddelayo mugga meerkuriga ama isbiirada ku jirta dhuun quraarad ah oo dabo wareegsan leh. ld heerkulbeege.
<< < 725 726 727 728 729 730 731 732 733 734 735 > >>

 

Exit mobile version