Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: mataxan
hoobiye Qori boobe culus ah, lugo lagu istaajiyo leh oo xabbado badani ka dhacaan.
hoobo 1. Meel taag ah ka daaddegid. 2. Nafley le'asho.
hoobsad ld hoobsasho.
hoobsasho eeg hoobso. ld hoobsad, hoobsi.
hoobsi ld hoobsasho.
hoobsii Weel buux-dhaafay si uusan u daadan wax qof ka cabsiin.
hoobsiin eeg hoobsii. ld hoobsiis.
hoobsiis ld hoobsiin.
hoobso 1. Weel buuxdhaafay si uusan u daadan in ka cabid. 2. Wax meel ka daadasho. 3. Miro xaabsasho.
hoodaar 1. H. ah: qof karti badan; diric; rag. 2. H. ah: qof nasiib badan. 3. (e.d) H.!: waa tahay!. ld hooddaar.
hoodaddee Qof danihiisa ka jeedin.
hoodaddeyn eeg hoodaddee.
hoodaddo Ka jeedinta qof danihiisa laga jeediyo.
hoodadee 1. Qof danihiisa ku jeedin. 2. Qof si qarsoodi ah ugu hiilin.
hooddaar ld hoodaar.
hooddeyn Jawaabta loo celiyo qofka yiraahdo hooddi.
hooddi Erey la yiraahdo kolka la doonayo in la galo guri cid kale leedahay, yacnii “ma soo geli karaa!”. ld hoodi.
hoodeyn ld hooddeyn.
hoodi ld hooddi.
hoodo Naasib.
hoog (1) Dhacdo leh dhibaato lagu hoobto; ba'; belo.
hoog (2) Dhacdo dhibaato lagu hoobto leh la kulmid.
hoogaami Madaxa iyo gacmaha hoos u laallaadin.
hoogaamin eeg hoogaami.
hoogaansad ld hoogaansasho.
hoogaansasho eeg hoogaanso. ld hoogaansad, hoogaansi.
hoogaansi ld hoogaansasho.
hoogaanso Madaxa iyo gacmaha hoos u laallaadsasho.
hoogey Waa belo.
hoogid eeg hoog².
<< < 745 746 747 748 749 750 751 752 753 754 755 > >>

 

Exit mobile version