habjaqleyn eeg habjaqlee.
hablo Tiro gabdho ah oo hal ka badan.
haboon eeg habboon.
habow (1) 1. Dhumidda laga dhumo jidka toosan. 2. ld haabab. H. ah: qof jidkii toosnaa ka dhumay. 3. H. ah: dad cayr la dalaabay. 4. ld habaabid.
habow (2) 1. Jidka toosan ka lumid. 2. Cayrnimo la dalaabid.
habqaad Dhiil yar oo ilmaha caanaha loogu shubo.
habqamid eeg habqan².
habqan (1) 1. Socod daal iyo dhibaato darteed dad wada socda ku kala haraan. 2. Dhawaaq dad kala dambeeyaa isdhaafsadaan.
habqan (2) Habqan samayn.
habqoraxeed Qorraxda iyo meereyaasha waaweyn ee ku dul wareega.
habrasho eeg habro.
habrawadaag (1) Dad hooyooyinkood walaalo yihiin.
habrawadaag (2) Dad hooyooyinkood walaalo.
habro Cid si wanaagsan oo aan hagrasho lahayn wax ugu qabasho.
habroor (1) ld habroorid.
habroor (2) Ilmo macluul ah abaydiminta aan ku habaysnayn darteed ahaansho.
habroorid eeg habroor².
habsaamid eeg habsaan². ld habsaan¹.
habsaan (1) 1. Daahid qof ka daaho meel laga sugayey. 2. H. ah: Qof ka daahay meel laga sugayey. 3. ld habsaamid.
habsaan (2) Wax dib u dhacay ahaansho.
habsabbuux Baddu marka ay kacsantahay.
habsad ld habsasho.
habsamaan eeg habsan. ld habsamaansho, habsami.
habsamaansho ld habsamaan.
habsami Si asluub iyo maamuus leh oo loo dhaqmo. ld habsamaan.
habsan Wax si fiican loo farsameeyey ahaansho.
habsasho eeg habso². ld habsad.
habsii Cid kalgacayl dartii isku duubid.
habsiin eeg habsii.
habso (1) Caaryidda ama buuxsamidda badda marmarka qaarkoodka dhaca.
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>