Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dhaniimid
juqufsanaan eeg juqufsan. ld joqofsanaan, joqofsanaansho, juqufsa-naansho.
juqufsanaansho ld juqufsanaan.
jurbi Cidi, far iyo suul iwm jir ku xanuunjin.
jurbin eeg jurbi. ld jurbis.
jurbis ld jurbin.
jurmi Dhumuc; qiro; baaxad. ld jirmi (2).
jurxee Cid jurxo ku dhihid.
jurxeyn eeg jurxee.
jurxo Hadal lafajebis ah oo cid lagu yiraahdo.
jus (1) 1. Soddonka qaybood oo kitaabka Quraanku u qaybsamo midkood. 2. Kitaab weyn oo dhawr qaybood loo kala daabacay midkood.
jus (2) War yar oo xogtiisu gaabantahay ama aysan dhammayn.
jusbax (1) Xaflad la sameeyo marka la dhammeeyo barashada hal jus.
jusbax (2) Arday jus dhammeeyey xaflad u samayn.
jusbixid eeg jusbax².
juscambuuleed ld juscambuulo.
juscambuulo Hal jus oo Quraan ah marka uu arday dhammeeyo cuntada uu bixiyo. ld juscambuuleed.
jusur Kuul yaryar, madmadow oo barbaarku qoorta ku xirto si uu ugu xarragoodo.
jusuur Guri weyn oo dhagax ka samaysan oo ab-ka-ab layska soo dhaxlay.
juu ld tuu.
juube Nooc warmaha waaweyn ka mid ah.
juuc 1. Daal xanuun yar leh. 2. Baahi. ld juucjuuc.
juucjuuc ld juuc.
juucjuucsan Qof daal xanuun yar leh hayo ahaansho.
juucjuucsanaan eeg juucjuucsan. ld juucjuucsanaansho.
juucjuucsanaansho ld juucjuuc-sanaan.
juuco Cod nirgaha geelu ay samee-yaan.
juudaan (1) Cudur halis ah oo dadka oogadiisa googooya.
juudaan (2) (daaw.) Cudur muddo dheer oo uu keeno “mycobacterium leprae”. Wuxuu wax yeelleeyaa maqaarka, dareemayasha iyo xuubka gudaha ka mara xubnaha daloola (mucous membrane). Waxaa laga helaa dalalka cimilada kulul, si toos ah ayaa la isaga qaada.
juul (xis.) Summad J. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee hawsha iyo tamarta, waxana uu le'egyahay hawsha la qabtay, marka xoog hal niyuutan (n) ah dhaqaajiyo walax fogaan (s) hal mitir ah. Waxa loogu magac daray aqoonyankii (1818-18 89) ee Jaymis Biriskot Juul.
juuni ld jawaan.
<< < 859 860 861 862 863 864 865 866 867 868 869 > >>

 

Exit mobile version