kaadibadshe (daaw.) Daawo badisa kaadida ayadoo biyo iyo cusbooyin ka soo deyneysa kelyaha.
kaadicaso 1. Cudur lo'da ku dhaca oo shilintu keento midabka kaadiduna guduud ka dhiga. 2. Cudur kelyaha dadka ku dhaca oo kaadida caseeya.
kaadidhiig1 Cudur dadka ku dhaca oo laga qaado biyaha wasakhda ah ee fadhiya, kaadidana dhiig ka dhiga. kaadidhiig2 (daaw.) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deris-ku-noolka “bilharzia”. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca. kaadigubasho (daaw.) Xanuun iyo kaadida oo lagu dhibtoodo, waxa badanaa keena holac kaadihays ama holac kaadimaren. ld kaadiqabad.
kaadihays Xuub adag oo kaadidu ku keydsanto inta aaney ka iman nafleyda.
kaadimacaan (daaw.) Cudur ay keento shaqo xumo ku dhacda ganaca, kaas oo soo saara insooliin. Insuliinta jidhka ku yaraatana waxay sababtaa sonkorta oo dhiigga ku badata, ka dibna loo qashinsaaro kaadi ahaan. ld kaadimma-caan.
kaadimareen1 Dhuunta kaadidu marto. kaadimareen2 (c.nafl.) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto. kaadimmacaan ld kaadimacaan.
kaadin ld kaadiyid.
kaadin1 eeg kaadi. kaadiqabad Cudur dadka iyo xoolahaba ku dhaca oo kaadida ku xira. ld kaadi-qabsasho.
kaadir ld kaadar.
kaadiraac K. ah: dhicis yar oo aan cad iyo laf yeelan ee xinjir ah.
kaadiraaci Dhicis aan cad iyo laf toona laheyn dhicin.
kaadiraacin eeg kaadiraaci. ld kaadiraacis.
kaadiraacis ld kaadiraacin.
kaadish Kaadiyid.
kaadishiil Cudur keenna kaadida oo qofka gubta.
kaadishir1 1. Fal iyo asmo la akhiriyo si qof kaadidu ugu dhegto. 2. ld kaadishirid. kaadishir2 Fal iyo asmo cid ku akhriyid si kaadidu u qabato. kaadishirid eeg kaadishir². ld kaadishir¹ (2).
kaadisokorow ld kaadimacaan.
kaadiyid eeg kaadi³. ld kaadin.
kaadsad ld kaadsasho.
kaadsanla' Sugid la'aan, ku degdegid (wax).
kaadsanla'aan eeg kaadsanla'. ld kaadsanla'aansho.
kaadsanla'aansho ld kaadsanla'aan.
kaadsasho eeg kaadso. ld kaadsad, kaadsi.
page : 2 of 73
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>