Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: karaari
naabnaabin eeg naabnaabi. ld naannaabin.
naabnaan eeg naaban. ld naabnaansho.
naabnaansho ld naabnaan.
naacaabi ld neecaabi.
naacaabin ld neecaw.
naacawsasho ld neecawsasho.
naacawso ld neecawso.
naadh ld naar.
naadi (1) 1. Rug dad isku dan ahi ku kulmaan. 2. Dad isugu tegay arrimo siyaaso, jinsiyad, ama bulsho.
naadi (2) 1. Wax la rabo in dad badan la ogeysiiyo ku dhawaaqid. 2. Wax la rabo in la iibiyo qiimihiisa ku dhawaaqid.
naadin eeg naadi².
naadir (1) Aan had iyo goor la heli karin (wax); dhif ah.
naadir (2) (juqr) Bar ku dhisan aragtida aan sababaysnayn ee laga helo samada gudaheeda, taas oo lid ku ah fuqa.
naadirnimo Naadir ahaansho.
naado 1. Ogeysiis dad loo bandhigayo. 2. Bandhig iib oo tartan ku jiro.
naaf (1) 1. Xiddig ka mid ah ururka naafo. 2. (m.w) Toddobada xiddigood oo “naafcadduhu” ugu horreeyo, “dirirkuna” ugu dambeeyo; waxay u dhexeeyaan toddobada “raqaha” iyo toddobada “daalallida”; waa xiddigo xagaa.
naaf (2) Naafo ka dhigid; dhaawicid; curyaamin. ld naafee.
naafasho ld naafoobid.
naafayn eeg naafee. ld naafid.
naafcadde Xiddigga naafaha ugu horreeya; wuxuu u dhexeeyaa afagaal iyo naafmadoobe.
naafee 1. Nafley naafo ka dhigid. 2. Xag dhaqaale, xoog iwm dhaawicid.
naafeysan Wax naafo noqday ahaansho (nafley).
naafeysnaan eeg naafeysan. ld naafeysnaansho.
naafeysnaansho ld naafeysnaan.
naafid ld naafayn.
naafmadoobe Xiddigga labaad ee naafaha; wuxuu u dhexeeyaa naafcadde iyo afqays.
naafo (1) Nafley addimadeeda midkood ama qaarkood wax ka qaba oo aan wax ku qabsan karin.
naafo (2) Awood la'an kaamil ah ama dhimman uu qof naafo ah u yeelan karo hawlaha xagga bulshada ama xagga shaqada.
naafo (3) ld naafow².
naafoobid eeg naafow². ld naafasho, naafow¹.
<< < 1109 1110 1111 1112 1113 1114 1115 1116 1117 1118 1119 > >>

 

Exit mobile version