naasnuujis ld naasnuujin.
naasooley ld naasley.
naastro 1. Qalab hadalka iwm ku duuba cajaladaha. 2. Silsilad xabbadaha qorigu ku jiraan oo boobayaasha culus la geliyo. 3. Mullaax maro ah oo khad leh loo isticmaalo makiinadaha qoraalka.
naatariyam (kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan; waana curiyaha labaad ee biraha alkaliga (ururka I ee tusaha kalgalka).
naatariyam-haydaroogsaydh (kiim.) (koostic sooda, NaOH). Adke cad oo sayax-milme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiye-milme.
naatariyam-koloraydh (kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.
naawi Qof, wax akhrin isaga oo aan rabid iyo fahmo u hayn.
naawil 1. Wax inay dhacayaan malayn; filid. 2. U n.:cid wax u gudbin.
naawilid eeg naawil.
naawin eeg naawi. ld naawis.
naawis ld naawin.
naax (1) ld naaxid.
naax (2) Nafley cayilid.
naaxi Nafley cayilin.
naaxsan Wax cayilay ahaansho.
naaxsanaan eeg naaxsan. ld naaxsanaansho.
naaxsanaansho ld naaxsanaan.
naaxuusjebid ld maamuusjebid.
naayaa Erey haweeney lala hadlayo dareenkeeda lagu soo jeediyo, xushmadarrana huwan. ld naa.
nab (1) ld nabyo.
nab (2) 1. Cid fal ama hadal aanay samayn ama dhihin ku sheegid; masabidid. 2. Is n.: wax hurda iska dhigid. 3. Ku n.: wax meel ku dhejin. 4. Ciid, timo iwm dhejin. 5. ld naab³.
nabaad Wax dhulka ka soo baxa sida dhirta iyo cawska.
nabaaddiinaxir (1) (dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.
nabaaddiinaxir (2) Wax lumay quraan ama duco u akhriyid si Eebbe u badbaadiyo.
nabaaddiinaxirid eeg nabaaddiinaxir².
nabaaddiinee 1. Nabaaddiino akhriyid. 2. Cid macasalaameyn.
nabaaddiineyn eeg nabaaddiinee.
nabaaddiineysan 1. Wax nabad qaba ahaansho. 2. Wax la xirsi xiray ahaansho.
nabaaddiineysnaan eeg nabaaddiineysan. ld nabaaddiineysnaansho.
nabaaddiineysnaansho ld nabaaddiineysnaan.
<< < 1113 1114 1115 1116 1117 1118 1119 1120 1121 1122 1123 > >>