Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: tuux
suusacsanaan ld suusucsanaan.
suusacsanaansho ld suusucsanaan.
suusacsasho ld suusucsasho.
suusacso ld suusucso.
suusuc (1) Caano dhay ka tegey fadhina aan weli gaarin. ld suusac¹.
suusuc (2) Caano suusuc noqosho. ld suusac².
suusuci Caano suusac ka dhigid. ld suusaci.
suusucid eeg suusuc². ld suusacid.
suusucin eeg suusuci. ld suusacin.
suusucsan Caano wax suusucay ahaansho. ld suusacsan.
suusucsanaan eeg suusucsan. ld suusacsanaan, suusacsanaansho, suusucsanaansho.
suusucsanaansho ld suusucsanaan.
suusucsasho eeg suusucso. ld suusacsasho.
suusucso Caano suusac ka dhigasho. ld suusacso.
suux Nafley miyir beelid.
suuxdimo ld suuxdin.
suuxdin (1) 1. Miyirbeel lala dhaco. 2. Qallal; sarco. ld suuxdimo, suuxtin.
suuxdin (2) (daaw.) Isbeddel shaqo maskaxeed oo lagu yaqaan miyir beel iyo qallal soo noqnoqda oo si kedis ah ku bilowda muddo aad u gaaban socota.
suuxi 1. Nafley wax miyir beelay ka dhigid. 2. Nafley daawo dareenka ka qaadda ku durid.
suuxid eeg suux.
suuxin eeg suuxi.
suuxsan Nafley wax la suuxiyey ahaansho.
suuxsanaan eeg suuxsan. ld suux-sanaansho.
suuxsanaansho ld suuxsanaan.
suuxtin ld suuxdin.
suwiye Kawaanle.
suxufi ld saxafi.
suxufinnimo Suxufi ahaansho.
suxul Gacanta, meesha cududda iyo dhudhunku iska galaan docda dibadda xigta oo dhuuban marka gacantu laabantahay. ld xusul.
suxulduub (1) 1. Orod gaaban oo gacmuhu laaban yihiin oo la ordo. 2. ld suxul-duubid.
<< < 112 113 114 115 116 117 118 > >>

 

Exit mobile version