Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qaraabo2  1. Miro, xabag iwm doonasho ama gurasho. 2. Wax aan la haysan oo loo baahan yahay dibadda ka doonasho. qaraafiic  eeg qarfacad.
qaraami  ld qaaraami.
qaraar1  1. Dhadhan aan macaanayn. 2. Go'aan. 3. Maseyrka laga maseyro cid waxay haysato. ld xaraar. qaraar2  (taar.) Go'aan rasmi ah, ee ka soo baxa boqor, boqorad ama madax kale. qaraar3  Cid wax ay haysato ka masayrid. qaraarid  eeg qaraar².
qaraaxad  1. Qalab bir, caag iwm ka samaysan oo inta ogsijiin, gaas iwm lagu shubo sigaarka lagu shito, walaacad. 2. Weynaanta cod. 3. Xajmiga iyo weynaanta qof leeyahay.
qaraaxadayn  eeg qaraaxadee.
qaraaxadee  Cod furan oo aan xabeeb lahayn ku hadlid ama ku heesid.
qaraaxadi  1. Cod qaraaxad u yeelid. 2. Si kaftan ah cid waxaan jirin uga fidin.
qaraaxadin  eeg qaraaxadi.
qarabbax  Barashada la sii barto cashar qur'aan oo aan weli la gaarin.
qarabbaxsad  ld qarabbaxsasho.
qarabbaxsasho  eeg qarabbaxso. ld qarabbaxsad, qarabbaxsi.
qarabbaxsi  ld qarabbaxsasho.
qarabbaxso  Cashar qur'aan oo aan weli la gaarin sii barasho.
qarabbixi  U q.: cashar qur'aan aan weli la gaarin cid u sii akhrin.
qarabbixin  eeg qarabbixi.
qarad  1. Q. ah: wax qiro iyo baaxad weyn leh. 2. Muraad; dan. 3. Hanti la soo dhacay marka la qaybsado inta dheeraadka ah ee la siiyo abaanduulka.
qaraf1  Kabriid; tarraq. qaraf2  Qori xalleefsan oo ciidda digada xoolaha iwm lagu guro; digaxaar. qaraf3  Weel qori ka samaysan oo kaadida geela iyo goggobada lagu qamiiriyo marka xoolaha la dhayayo. qarafeysasho  eeg qarafeyso.
qarafeyso  Hadba cid baryid.
qarafo  Baryo meelo kala duwan lagu tago iyadoo cunto la raadsanayo.
qarafsasho  eeg qarafso.
qarafso  1. Wax lagu noolaado sida miro iwm duur ka raadsasho. 2. Socosho.
qaramada Midoobay  (taar.) Urur la sameeyey dagaalkii II ee adduunka kaddib, oo ay xubin ka yihiin waddamada adduunka oo dhan, loona dhisay iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga Caalamiga.
qaramee  Qaran, hanti cidi leedahay la wareegid.
page : 1191 of 1584
<< < 1186 1187 1188 1189 1190 1191 1192 1193 1194 1195 1196 > >>

 

Exit mobile version