dhesteri Degmo. ld dhisteri.
dhex 1. Laba wax ama laba meelood kala barkood; bartan. 2. Inta u dhexeysa qaarka hore iyo qaarka dambe (nafley); sabar. dhexaad s. Dhexda ku abbaaran; dhexe.
dhex-aal Dhexjoogid.
dhex-xir Xarig yar, dhuuban, ka samaysan dun, mayrax iwm oo haweenka dhexda ku xirtaan.
dhex-xul Wax dhexmarid.
dhex-xulid eeg dhex-xul.
dhexaltooyo ld dhaxaltooyo.
dhexayn eeg dhexee.
dhexbeegid (xis.) Habka laga qiyaaso qiimaha fansaar iyada oo la adeegsanayo qiimayaal la yaqaan ee ku yaalla labada dhinac ee fansaarka.
dhexboodbood Dad ama waxyaabo dhexdooda ku boodboodid.
dhexboodboodid eeg dhexboodbood.
dhexdeg (1) ld dhexdegid.
dhexdeg (2) Bartamaha tuulada ku noolaansho.
dhexdegid eeg dhexdeg². ld dhegdeg¹.
dhexdhac 1. Ka dh.: dugaag, col iwm meel weerarid. 2. Ka dh.: cudur, colaad iwm meel ka dillaacid.
dhexdhalaal Ku dh.: aad isugu daalin.
dhexdhalaalid eeg dhexdhalaal.
dhexdhexaad 1. Bartame. 2. Dh. ah: dherer, da', culays iwm oo aan yaraan iyo weynaan midna raacsanayn.
dhexdhexaadi Laba dhinac oo wax isku haya u garnaqid.
dhexdhexaadin eeg dhexdhexaadi. ld dhexdhexaadis.
dhexdhexaadis ld dhexdhexaadin.
dhexdhexaadiye Qof, dad wax isku haysta u garnaqay.
dhexdhexaadnimo Dhexdhexaad ahaansho (cid).
dhexdhicid eeg dhexdhac. dhexe s. Bartamaha ku jira; dhexeeya; dhexaad.
dhexee 1. (f.g) Weel waxa ku jira badh ka dhigid. 2. (f.mg) U dh.: wax aan cidi gaar u lahayn ahaansho.
dhexeeye (xis.) Urur kasta oo daato ah marka loo ratibo horsamaan baaxadeed ama fanata tirada ama walaxda ku aaddan bartamaha ururka.
dhexfur (xis.) Xarriq toosan oo geeska saddexagal ku xirta bar-bartameedka dhinaca horjeedaha ah. Dhexfurrada saddexagal waxa ay iska gooyaan bar keliya, taas oo ah xuddumeedka saddexagalka.
dhexgal (1) Dhexdhexaadinta laba dhinac oo wax isku haysta. ld dhexgelid.
dhexgal (2) (fiis.) Dh. ileyska: firidhsanka ileys noqodka oo ay sababtay dusha xanafta leh ee uu ileysku abbaaray ama ku dhacay.
dhexgal (3) (fiis.) Dh. milannada: habka walxaha kala duwani ay isugu qasmaan, ayna ugu wacantahay socodka saxarrada (sida atamyada, ayoonnada) ay ka koobanyihiin.
<< < 125 126 127 128 129 130 131 132 133 134 135 > >>